Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Shaaciyay In Uu Yahay Murashax U Taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Shaaciyay In Uu Yahay Murashax U Taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya
January 24, 2019 - Written by Reporter:

Muqdisho (WJN)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya marka la gaadho doorashada sanadka 2020-2021ka.

Waxaa uu sheegay in uu mar kale u tartami doono xilka madaxweynaha Soomaaliya si dalka looga badabaadiyo Al-Shabaab iyo Kooxaha kale, madaama uu sheegay in shacabka Soomaaliya ay yaqaan sida uu hadalka u dhiggay wax-qabadkiisa wanaagsan.

Sababta uu mar kale isku soo sharaxay ayuu ku sheegay in qaar ka mid ah bulshada Soomaaliya ka dalbadeen in uu mar kale isku soo sharaxo xilka ugu sareysa dalka ee madaxweyne.

“Awood la’aanta dowlada hadda ka jirta Soomaaliya awgeed ayaa igu dhalisay inaan markale siyaasadda ku soo laabto.”ayuu u sheegay wargeyska Standard Digital Shariif Sheekh Axmed.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi kusii daray Musharax Shariif in dowladda hada jirtaa aysan waxba u qaban dalka.

“Waxaan cadeynayaa in aan calanka u qaadi doono xisbiga Himilo Qaran doorashada 2020,Waxaan dareensanahay in dowlada hadda ka jirta dalka aysan waxba u qaban dadka waxaana doonayaa in aan mideeyo Soomaaliya oo aan ka dhigo mid awood leh.”ayuu yidhi Sheekh Shariif.

Inkastoo dowlada uu hogaaminayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u hadhsan tahay wax ka badan Labo sanadood ayaa hadda dhinaca kale waxaad moodaa in Soomaaliya gashay olole doorasho marka la eego isbaheysiyada sameysmaya iyo hadallada ay warbaahinta isku marinayaan hoggaamiyayaasha dalka.

COMMENTS
LINKS