|
|||||
WAJAALE NEWS
Raysal-wasaaraha Itoobiya Oo Bilaabay Qorshe Uu Kula Xisaabtamayo Wasiiradiisa!
January 29, 2019 - Written by Editor:Addis Ababa(W,N)-Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa bilaabay qorshe uu kula xisaabtamayo golihiisa wasiirada oo ay 100 maalmood ka soo wareegtay markii uu bishii Oktoobar ee kal hore xilalka u magacaabay, waana qorshe la iskula xisaabtamayo. Sida uu sheegay xafiiska Raysalwasaaraha Itoobiya, qorshahan boqolka maalmood wuxuu raysalwasaaruhu kula xisaabtamayaa golihiisa wasiirada si uu u xaqiijiyo xil gudashada wasiirada iyo inay ku haboon yihiin xilalkii uu u magacaabay. Shalay waxa warbixinahooda soo bandhigay Wasiirada maaliyadda, nabadgelyada, ganacsiga iyo wershadaha iyo arrimaha dibadda. Warbixinaha ay wasiiradani soo bandhigeen ayaan ahayn wax qabad keliya, waxase weheliya su’aalo laga weydiinayo shaqadooda iyo waxyaabaha ay ka hirgeliyeen qorshaha uu Raysalwasaaraha Itoobiya u dejiyay horumarka dalkiisa. Shaqaalaha xafiiska raysalwasaaraha ayaa diyaariyay su’aalo muhiim ah oo wasiirada laga weydiin doono warbixinaha ay soo bandhigayaan kuwaas oo salka ku haya adkaynta nidaamka maamul iyo xoojinta hay’adaha dawladda Itoobiya. Waxaana la sheegay in qiimaynta iyo la xisaabtanka wasiirada ee Raysalwasaaruhu ay maalmahan socon oonto. WAJAALENEWS DESK HARGAYSA OFFICE Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|