Prof: Cabdi Cali iyo Qareenada U Doodaya oo Faah-faahin Ka Bixiyay Dacwad Ka Dhan Ah Kulmiye oo Ay U Gudbiyeen Gudida Diwaan Gelinta | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Prof: Cabdi Cali iyo Qareenada U Doodaya oo Faah-faahin Ka Bixiyay Dacwad Ka Dhan Ah Kulmiye oo Ay U Gudbiyeen Gudida Diwaan Gelinta
January 2, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Prof. Cabdi Cali oo kamid ahaa Siyaasiyiin dhawaan laga saaray Xisbiga Kulmiye ayaa isaga iyo qareeno u doodayay waxa ay dacwad ka dhan ah Xisbiga Kulmiye oo ay u gudbiyeen Gudida diwaan gelinta iyo ansixinta Asxaabta qaranka Somaliland.

Profsorka, ayaa talaabada Xisbiga lagaga eryey ku tilmaamay sharci darro iyo xad-gudub loo geystay Shuruucda iyo Xeerarka Xisbiga iyo Dastuurka Dalka.

Waxa uu sheegay inay Dacwadiisu daarantahay inaan lagu xad-gudbin ujeeddooyinka iyo mabaadi’da loo aasaasay Asxaabta Qaranka, isagoo xusay in qaabka looga eryey Xisbigu ay ula muuqato nidaam gef ku ah qawaaniinta Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah madaxbanaanida ee Siyaasadda iyo ra’yiga.

Waxa uu intaa ku daray inay Guddida Diwaan-gelinta Ururrada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranku ka qabteen Dacwada uu u gudbiyey, taasina ay ka dhigan tahay inay aqbaleen dhegeysiga Dacwada uu gudbiyey.

Prof. Cabdi Cali waxa uu si weyn u dhaliillay hab-dhaqanka ay Xisbiyadda Qaranku u maraan xil-qaadista iyo xubin ka qaadista Dadka, waxaanu daliilshaday qodobada Dastuurka ee jidaynaya aasaaska Xisbiyada iyo Xeer Lr. 14 oo ah Xeerka Ururrada iyo Asxaabta Qaranka.

Geesta kalena, Gayqaan Subeyr oo kamida Qareenada u dooddaya Siyaasigan ayaa sheegay inay rejjo wanaagsan ka qabaan inay dacwadani marto dariiq sharci oo sax ah.

Waxa uu sheegay in haddii Guddida Diwaan-gelintu go’aan ka gaadhi waydo dacwaddooda ama ay marin waayaan Hanaanka ay Xeerarku jideeyeen ay xaq u leeyihiin inay Rafcaan u qaataan Maxkamadda Dastuuriga ah, balse ay iminka kalsooni buuxda ku qabaan Guddidaas.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

COMMENTS
LINKS