Dareenka Wiil Soomaali Ah oo Ka Badbaaday Masiibadii Xeebta Jabuuti | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dareenka Wiil Soomaali Ah oo Ka Badbaaday Masiibadii Xeebta Jabuuti
January 31, 2019 - Written by Reporter:

Djibouti (WJN)- 52 qof oo meyd ah ayaa laga soo saaray xeebaha dalka Jabuuti, halkaasoo maalintii Salaasadii ahayd ay ku dageen 2 doomood oo ay la socdeen dad tahriibeyaal ah, tirada dhimashada ayaana laga cabsi qabaa iney sii korodho.

Waxaa wali socda gurmadka lagu soo samata bixinayo dadka ay suurta galka tahay iney nool yihiin, ama lagu soo saarayo meydadka dadkii dhintay.

Ilaa iyo hadda inta la xaqiijiyay 16 qof ayaa Salaasadii iyo arbacadii la badbaadiyay, hase ahaatee ma jirin dad nool oo maanta la helay.

Inta badan dadka ay doomaha la dageen ayaa lagu soo warramayaa iney ka soo jeedaan dalalka Itoobiya iyo Eretariya, oo jaar la ah waddanka Jabuuti, balse waxaa sidoo kale doomaha la socday dad Soomaali ah.

Labada doomood ee ku qallibmay xeeebaha Godoriya ayey middiiba la socdeen dad kor u dhaafaya boqol ruux.

“5 qof oo Soomaali ah kaligey ayaa ka badbaaday”

5 qof oo Soomaali ah ayaa la socotay doonta uu saarnaa Ciid, laakiin kaligiis ayaa ka badbaaday

Ciid Maxamed Baddal oo ka mid ah dhallinyaradii la socotay mid ka mid ah doomaha dagay ayaa BBC-da uga warramay halka uu kasoo billaabay safarkiisa iyo sidii uu misiibada uga badbaaday.

“Magaalada Jigjiga ayaan ku dhashay, halkaas ayaan ka soo safray waxaana imid Jabuuti. Nin mukhalas ah ayaa xeebta i geeyay, doonida ayaana ka soo raacnay”.

Meydadka 52 qof ayaa la helay

“Innagoo badda ku jirna ayuu matoorkii doonta cilladoobay, ninkii naaquudaha ahaana wuu ka booday, isla markiina doontii ayaa dib u rogmatay”, ayuu yidhi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas raaciyay: “Inta badan dadkii wuu daatay, annagoo koox ahna waxaa noo suurta gashay inaan doonta dhinacyada ka qabsanno, annagoo halkaas ka laadlaadna ayeyna ciidamada noo yimaadeen oo ay nasoo badbaadiyeen”.

5 ruux oo Soomaali ah oo doontaas la socotay ayuu sheegay inuu kaligiis ka soo badbaaday, halka 4-tii kalena ay dhinteen.

Ciid Maxamed oo Alle uga mahad celiyay inuu soo badbaaday ayaa dhallinyarada kale kula dardaarmay ineysan ku hawoonin tahriibka.

Korneyl Waceys Cumar Boqorre, oo ah taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha Jabuuti ayaa sheegay in gurmadka aan loo kala hadhin.

“Ciidankii ilaalada xeebaha iyo gargaarka ayaa biyaha ku jira, xeebtana waxaa isugu yimid magaaladii oo dhan, si la isaga wada kaashado howlgalka”, ayuu yidhi Korneyl Boqorre.

IOM oo ka walaacsan tahriibka

Inta badan tahriibeyaasha ayaa ka soo jeeda Utoobiya iyo Eretariya

Hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay ee IOM ayaa walaac hor leh ka muujisay dhacdooyinka la xidhiidha tahriibka.

Lalini Veerassamy oo ka tirsan saraakiisha hay’adda IOM ayaa sheegtay in arrintan ay niyad jab tahay.

“Musiibadan cusub waxay tusaale u tahay in wali ayna hoos u dhicin dhibaatooyinka tahriibka, maadaama dadka qaxootiga ah ay khatar badan u wajahayaan si ay nolol fiican u raadsadaan”, ayey tidhi.

Jabuuti ayaa sanadihii dambe marin u noqotay kumanaan tahriibeyaal ah oo rajeynaya iney u tallaabaan gacanka carbeed, si ay shaqooyin uga raadsadaan.

COMMENTS
LINKS