“Marka la Eego Ifafaalaha Muuqda Xaaladda Somaliya Waxay U Egtahay Mid ka Sii Daraysa Oo Aan ka Soo Raynayn”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Marka la Eego Ifafaalaha Muuqda Xaaladda Somaliya Waxay U Egtahay Mid ka Sii Daraysa Oo Aan ka Soo Raynayn”Cali Guray.
January 1, 2019 - Written by Editor:

SOMALIYA: KA DAR OO DIBI DHAL

2019 Sharkiisa Ilaahay soomaali ha ka duwo khayrkiisana ha siiyo.

Ifafaalaha muuqdaa mid san maaha marka la eego khilaafyada badan iyo colaadaha la isugu midiyo lisanayo ee fadaraalaysan, maamul-gobolaysan hadana qabyaaladaysan.

Allahayow badanaa inta qori dab leh la wareegaysa ee doonaysa inay guryo nabad ah geliyaan ka dibna Yurub iyo Maraykan u yaacaan. Anigu waxan ugu baqdin badanahay marka belaayo soo hig leh aan sida hilaaca ka arko hal baarkeed waana marka ay i dhibto ee ay iigu dhibaato badan tahay. Hadii inta goori ay goor tahay laga hor hortigi waayo oo intii Ilaahay is-baday ee meel ku wada nooliba khilaafkooda wadahadal iyo xal nabad ah ku xalilanwaydo saw belaayadu noqon mayso mid la casumay. Aniga taasi marka ay timaado warankii igu taagnaa wuu iga go’aa oo ima dhibto waayo qaddar Alleh oo la baajin kari waayay ayuun baan u qaataa. Fidno hurudda waxa ugu xun kuwa toosiya oo abaalkoodu noqdo Cadho Alleh sidii Nebi Muxamed SCW yidhi: Fidnadu way huruddaaye Cadhada Ilaahay ha ku dhacdo kii toosiya. Inta badan kuwa toosiya fidno hurudda marka belaayadii ay u gacan-haadinayeen dhacdo waxay noqdaan kuwa ugu fulaysan ee ugu oohinta badan dagaalna waxba kama taraan ee maalinta ugu horaysa markuu dhaco ayuu midba meel ka baxaa.

Hadda ha u qaadanina in aan diidanahay dad la dulmay oo la ciilay oo la quudhsaday oo la dala’saday inay diidi karaan dulmiga oo hadii si kale ay xaqooda ku heli waayaan ay ku dagaalamaan iyagoo difaacaya nafahooda iyo hantidooda iyo ehelkood eh waxan ka soo horjeedaa dad ood-wadaag ah oo Ilaahay meel ku wada nooleeyay inta qabyaaladi indho tirto oo iyagoo nabad ah belaayo u gacan haadiya kibir iyo tolaayeeyna ay ku dumiyaan nabaddii dhexdooda marka siyaasi isagu dan gaar ah leh oo u arka inay ugu badinayso colaadda ay musnawgiisa iyo tookhiisa run u qaataan hadana goor aan goor ahayn qoomameeyaan.

Marka la eego ifafaalaha muuqda xaaladda Somaliya waxay u egtahay mid ka sii daraysa ee aan ka soo raynayn ugu yaraan 2019ka. Sanadka 2020ka oo ah sanadkii loo balansanaa in Somaliya ay u gudubto nadaamka xisbiyada badan doorashooyin xor iyo xalaal ahina ay ka qabsoomaan taasina sida muuqata hadda ayay fashilan tahay mana muuqato inay suurtogal qonayso markaa xaalku sidee ayuu noqon doonaa? Ma Farmaajo ayaa muddo kordhin laga ogolaan isagoo aan xalka dhibaatada Somaliya qayb ka ahayn ee dhibaatada lafteedaba ah oo ku talogalay in ciidamo shisheeye ah uu tiisa ku meelmarsado hadii ay u suurobi karto iyo hadii kaleba?

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

 

COMMENTS
LINKS