“Mar Uunbuu Daf Soo Odhan Nabsigii Diinku Soo Sidaye”! Barkhad-ladiif. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Mar Uunbuu Daf Soo Odhan Nabsigii Diinku Soo Sidaye”! Barkhad-ladiif.
January 25, 2019 - Written by Editor:

Dhallinyaradda jecel dalkooddu inta badan waxay isku dayaan inay meelaha ay khaladka ku arkaan inay saxaan,tusaale markii wasiirkii hore ee Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi xilkaasi qabtay waxa caawiyey dhallinyaro badan oo si bilaash ah nin waliba wuxuu soo bartay ku caawinayey, isna wuu soo dhoweyanayey hal abuurka cusub ee dhalinyaradu ku soo kordhinayso, taasina waxay keentay in illaa hadda la amaano waxqabadkiisii .

Hadaba, wakhti dhexdaasi ah waxa dhacday wiil soo bartay cilmiga Sollar systemka, ayaa mid ka mid ah maareeyeyaasha wakaaladaha biyaha ee dalka usoo bandhigay sidii uu kharashka badan ee shiidaalka kaga baxo uga maarmi lahaa, isla markaana isagoo gurigiisa joogo ula socon lahaa siday shaqadu u socoto iyo waliba ceelba marka uu buuxsamo siduu uga xidhi lahaa Mobilekiisa dhexdiisa.

Waxa uu u tagay maareeyihii wakaaladda, wuxuu ku yidhi “ kharashka shiidaalka u isticmaasha bishii waa intee, “ maareeyihii baa yidhi “ lacag aad u faro badan baa iga galla shiidaalka oo kaliya oo lacagta ka soo baxda wakaaladu waxay noqota shiidaal iyo mushahar oo kaliya.”

Wiilkii baa yidhi “waxaan ku samayn alhaa Solar system aad kaga maaranto shiidaalka, waxaana hal mar uun ka baxaya sodan kun oo doolar, waligaana uma baahanaysid kharash shiidaal kaaga baxa, intaas aad ugu tallogashay shiidaalkana meel kale ku dabool.”

Ilayn Wiilkiini warba uma hayee in lacagta shiidaalka loo qorsheeyey inay tahay waxyaalaha la kala faa’iido, kaba soo qaad hadii labaatankun oo dollar bishii shiidaalka kaga baxdo ama u qoran tahay, waxa kaliya ee galla inay tahay sideed kun inta kale la musruufsado.

Ta labaad ganacsatadda shiidaalka laga iibsanayo lacag laaluush ah ugu daraysa iibka shiidaalka ay wakaaladu ka iibsanayso oo foosta walba kharash bay u raacaysa masuuliyiinta qandaraaska la gallay, qarashkaasi waxa iska leh maareeyaha illaa kuwoo mishiinka jooga oo nin waliba shaahiisa loo tuurayo, sidaas darteed ma nin baa tuunbadiisa iska jaraya, wiilkii sidii kolba loola ballamayayey ayuu iska niyad jabay. Waana siday doonayeen.

Waxaynu leenahay qorax kulul, waxa kale oo jira dabeel badan labadaasiba waa laba tamar oo u baahan in la adeegsado si looga maarmo shiidaalka qaaliga ah, maanta warshadaheena laydhka hadii qoraxdaasi ama dabeesha isticmaalaan waxaynu heli lahayn laydh jaban, halka aynu maanta ka nahay dunida meelaha ugu laydhka qaalisan.

Ganacsateenu way maalgashan karaan, balse cid masaakiintan danyarta ah ka naxaysa ayaan jirin oo nin waliba wuxuu ka taajirey waa shacabkan allow sahalka ah ee cid u doodaa aanay jirin, amba cunto dhacday u keen, ama dawo dhacday u keen ama laydh qaali ah u keen ama cid cunta u magacow, waxa dulmani waa shacabkaaasi, haseyeeshee waxay isku xidheen alla weyn qofkii alla isku xidhanna ugu dambeyn way guulaysanayaan, kuwaa dulmiyeyna inkaar iyo dhibaato uun baa wehel u ah.

QALINKII; BARKHAD-LADIIF MAXAMED CUMAR.

COMMENTS
LINKS