Madaxweyne Soomaaliya oo Markii U Horeysay Ka Hadley Mooshinkii Laga Keenay Sanadkii Hore | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Soomaaliya oo Markii U Horeysay Ka Hadley Mooshinkii Laga Keenay Sanadkii Hore
January 15, 2019 - Written by Reporter:

Muqdisho (WJN)- Madaxweynaha  Soomaaliya Maxmaed Cabdullaahi Cabdullaahi Farmaajo oo xalay khudbad ka jeedinayay munaasabad casho sharaf ah oo lagu soo xidhayay Kalfadhiggii Afaraad ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa erayo u muuqday jees jees laakiin uu ku sheegay in ay kaftan ahaayeen hawadda u marayay xildhibaannadii mooshinka ka keenay.

Madaxweyne Farmaajo oo markii ugu horeysay ka hadlay mooshinkii dhawaan laga keenay ayaa sheegay in xildhibaannadda mooshinka soo gudbiyay ahaayeen kuwo ka tirsanaa dowladdii Qabyo…. Sidaa daraadeed mooshinkooduna uu ahaa mid Qabyo oo aan dhameystirneyn.

Waxaana uu yidhi madaxweyne Farmajo’’ Markii aan ka war helay Mooshinka waxaan soo wacay guddoomiyaha Golaha Shacabka oo waxaan ku idhi…Guddoomiye Mooshin baa la qabtaye, see wax u yihiin, wuxuu i yidhi waa i hor-yaalaa.. waxaan yidhi sidee ayuu u egyahay.. Wuxuu Igu yidhi aan kugu soo celiyo, warqadihii ayuu rogrogay… wuxuu i yidhi nambrkaas waaye, waxaa ku idhi yaa ka dambeeya, wuxuu i yidhi waxaa ka dambeeya dad walaalo ah oo la yidhaahdo Qabyo.. Ma Qabyada isla ogeyn, waa Qabyo, waxaa ku ogeyn wax walba in ay qabyo uga tagaan bal eeg hadduu mooshinka dhan yahay, dib buu u eegay, wuxuu arkay saxeexyo la saxeexay sanadkii 2017, tuhunka la qabana uu yahay dhamaadka 2018, waxaan ku idhi see ay isku waafaqeysa, wuxuu yidhi, waxay arkayeen waxa soo socda sanad ka bacdi, waxaan ku Idhi qalad kale maku jiraa, wuxuu yidhi saxeexa waxaa ka maqan taariikhda, waxaan ku Idhi sidee taariikhda qofka ku iloobay, waxaan ku idhi maxaa kaloo ku jira, waxaa kaloo ku jira dad kaloo xanuunsan oo dibadaha jira oo aan ka warqabin waxa socda”ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale yidhi waxaan ku Idhi guddoomiyaha oo maxey tahay arintan maxaa looga dan leeyahay ileen waa Qabyee… Wuxuu igu yidhi waxey leeyihii Qabyo Ninkeedaa dhameystira…Waxaa ku Idhi taasi sow 2016kii ma aheyn… Wuxuu igu yidhi Maya ee waa 2019….Waayahay ee Maxey rabaan ayaa ku Idhi guddoomiyaha….Wuxuu igu yidhi waxey rabaan in guddiga hanti isku celinta lagu darro si ay iyagu u maamulaan…in ay ka shaqeeyaan Isku soo dhawaanshaha Shacabka iyo dowladda…In ay dhameystiraan heshiisyaddii hore u jiray….In Kanaalkii aan sheegay ayaan dhaweyd ee aan soo xidhay loo soo daayo oo Beerta lagu fasaxo…Waxey rabaan ayuu yidhi in ay ka shaqeeyaan hufnaanta Dhaqaallaha…In ay ka shaqeeyaan oo ay joogteeyaan bixinta Musharka…Tan ugu danbeysa waxey doonayaan in ay soo celiyaan sharafkii Umadda Soomaaliya.. ayuu khudbadiisa ku soo gabagabeeyay madaxweynaha.

Inkastoo madaxweynaha markii uu khudbadiisa bilaabay sheegay in uu kaftamayo.. haddana dhinaca kale waxaa muuqata in madaxweynuhu weerar toos ah ku qaaday xildhibaannada ka soo horjeeda hoggaankiisa ee ku jira Golaha Shacabka.

Xildhibaannada madaxweynaha mooshinka ka keenay sanadkii hore laakiin markii danbe ka tanaasulay ayaa madaxweynaha ku eedeeyay in uu gallay khiyaanno Qaran kuna xad gudbay sharuucda dalka sidaa daraadeed mudan yahay in uu xilka isaga taggo.

COMMENTS
LINKS