|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jsl Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Muwaadin Hindisay Astaanta Qaranka Somaliland Oo Ka Samaysayn Bir.
January 21, 2019 - Written by Editor:Hargeysa-(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay muwaadin Fu’aad Cabdiraxmaan Diiriye oo si farshaxamaysan gacantiisa ku farsameeyey astaanta Jamhuuriyadda Somaliland oo ka samaysan bir. Madaxweynuhu waxa uu muwaadin Fu’aad Cabdiraxmaan Diiriye ku bogaadiyey sida uu xilka iskaga saaray inuu farsameeyo astaanta qaranka, isaga oo ku dhiirrigeliyey inuu sii wado dedaalkiisa siina horumariyo fikirka cusub ee uu la yimi. Waxaanu madaxweynuhu u muujiyey muwaadinkaas in uu isaga iyo inta la midka ahba ee la timaada hal abuur la barbar taagan yahay dhiirrigelinta afkaarta cusub ee ay la yimaaddaan muwaadiniinta qaranka Somaliland u dhashay ee maskaxdooda tuujiya.
Related posts:Daawo:Arday Yar Oo Reer Ceerigaabo ah Oo Booyad Biyo ah Iyo Timir Ugu Deeqay Dadka Abaaruhu Saamayee... DAAWO;-Madax Dhaqameedka Iyo Waxgaradka Beel Kamid Beelaha Gobolka Awdal Oo Ka Digay In La Marin Hab... Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland oo Af-lagaado La Soo Fadhiistay Warbaahinta, Hadalo Anshaxa Ka B... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|