|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jabuuti oo Xadhiga Ka Jaray Laba Shaybaadh oo Lagu Baadhayo Maacdanta
January 4, 2019 - Written by Reporter:Djibouti (WJN)- Madaxweynaha Jamuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele, ayaa xadhiga ka jaray laba xarumood oo shaybaadh oo lagu baadhayo macdanta. Labada xarumood ee shaybaadh ee Madaxweyne Geele xadhiga ka jaray ayaa kala ah xarunta Cilmi baadhista Macadka dhulka iyo Xarun ka shaqaynaysa shaybaadhka waxyaabaha ku jira bada oo intuba ka tirsan xarunta Macadka Cilmi baadhista ee dalka Jabuuti. Madaxweynaha Jabuuti markii uu soo gaadhay xaruntaasi waxaa ku soo dhaweeyay Aqoonyahano iyo Cilmi baadhayaasha Jabuuti iyagoona Madaxweynaha ugu hambalyeeyay dhiiri gelinta joogtada ah ee ku aadan horumarinta sidii loo soo saari lahaa khayraadka Jamuuriyada Jabuuti leedahay. Madaxweyne Geele oo ayaa igu horayn daah-furay xarunta macadka dhulka ee ka hawl galaysa halkaasi iyadoona lagu ogaanayo ama lagu qiimayndoono waxyaabaha dahabka iyo wixii la halmaamala ee khayraad ah ee uu leeyahay dalkaasi. Xaruntan ayaa waxa ay ku shaqayn doontaa qalabka casriga ah ee lagaga hawl galo Laabarootarada casriga ah oo ah noocii ugu danbeeyay ee laga helayo wadamada Geeska Afrika, Iyadoona ay xaruntani u adeegi doonto ama ka jawaabi doonto baahida aqooneed ee dhamaan waxyaabaha loo baahan yahay qaarada Afrika ee ku aadan dhanka shaybaadhka. Madaxweynaha Jabuuti ayaa intaasi kadib waxa uu soo indho indheeyay qaybaha ay ka kooban yihiin labada shaybaadh iyo qalabka lagu qalabeeyay oo ah mid heer sare ah, Iyadoo khabiirada shaybaadhka Jabuuti ay Madaxweynaha uga warbixiyeen qalabka halkaasi laga heli doono. Wasiirka Tacliinta Sare iyo Cilmi baadhista dalka Jabuuti dr. Nabiil Maxamed Axmed oo hadal ka jeediyay munaasibadaasi ayaa waxa uu sheegay in lagu qalabeeyay xaruntaasi qalab casri ah iyadoo lagu baadhi doono dhamaan wixii dahab ah iyo macdan ee ku jira dhulka iyo bada hoosteeda ee ay leedahay Jabuuti. Ugu danbayn Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, oo madasha hadal kooban ka jeediyay ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay xaruntani u leedahay dalka Jabuuti iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.
WAJAALENEWS DESK DJIBOUTI OFFICE WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:Halkan Ka Daawo : Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland Oo Ka Soo Laabtay Socdaal Ay Ku Tageen Dal... Ruushka Oo U Soo Xadhka Xidhay Sidii Uu Quwadaha Kale Ee Adduunka Ugula Loolamo Dalalka Qaaradda Afr... Mudo Kordhinta Madaxweynaha Loo Sameeyay Kuma Fadhido Jidwalkii Doorashada Ee Komishanku Soo Saareen... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|