|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida oo Maanta Markale Looga Yeedhay Addis Ababa
January 25, 2019 - Written by Reporter:Jigjiga (WJN)- Wararka ka imanaya magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumad Cumar maanta mar kale looga yeedhay xafiiska Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ee magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa. Waxaa kale oo ay wararka aanu helaynaa intaas ku darayaan in Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Mustafe Muxumed Cumar, uu isla maanta u baxay halkaas, ilaa iyo haddana lama oga waxyaabaha lagala hadlayo. Dhowr jeer ayaa madaxweynaha looga gacan haatiyay Addis Ababa, waxaana ay arrimahan daba socdaan xasarado siyaasadeed oo maalmahan ka aloosan deegaanka ismaamulka Soomaalida. Inkastoo aysan si rasmi ah usoo shaac bixin waxa ay isku hayaan labada dhinac ayaa haddana dadka qaar ee fallanqeeya arrimaha siyaasadda waxa ay aaminsan yihiin in la isku hayo cidda qeyb ka noqoneysa golaha fulinta ee xisbiga dowlad deegaanka oo lagu wado in uu dhawaan yeesho shirweyne.
WAJAALENEWS DESK JIGJIGA OFFICE WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:Saxaafadda Madaxabanaan Oo Ka Digtay Xeer Dabar Ah Oo Loo Soohay Oo Ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaan... DAAWO;-Maayarka Magaalada Muqdisho Oo Sheegay In Ay Jiraan Dad Badan Oo Udhintay Coronavirus Oo Aan ... Baarlamaanka Midawga Yurub Oo Maanta La Filayo In La Horgeeyo Qadiyada Gooni Isutaaga Somaliland COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|