|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida oo Maanta Markale Looga Yeedhay Addis Ababa
January 25, 2019 - Written by Reporter:Jigjiga (WJN)- Wararka ka imanaya magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumad Cumar maanta mar kale looga yeedhay xafiiska Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ee magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa. Waxaa kale oo ay wararka aanu helaynaa intaas ku darayaan in Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Mustafe Muxumed Cumar, uu isla maanta u baxay halkaas, ilaa iyo haddana lama oga waxyaabaha lagala hadlayo. Dhowr jeer ayaa madaxweynaha looga gacan haatiyay Addis Ababa, waxaana ay arrimahan daba socdaan xasarado siyaasadeed oo maalmahan ka aloosan deegaanka ismaamulka Soomaalida. Inkastoo aysan si rasmi ah usoo shaac bixin waxa ay isku hayaan labada dhinac ayaa haddana dadka qaar ee fallanqeeya arrimaha siyaasadda waxa ay aaminsan yihiin in la isku hayo cidda qeyb ka noqoneysa golaha fulinta ee xisbiga dowlad deegaanka oo lagu wado in uu dhawaan yeesho shirweyne.
WAJAALENEWS DESK JIGJIGA OFFICE WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:G/Xigeenka Waxabarashada Gobalka Gabiley Oo Keermeer Shaqo Ku Tagay Qaar Kamid Dugsiyada Gobalka Waar Shimbiraha Iska Daaya Intaad Rabbigiina Ka Baqdaan,Aanadii Gorgorka Ma Xuurtaa U Malgan?Abwaan ... Murannada Siyaasadda Iyo Saamaynta Taban Ee Ay Ku Yeesheen Nolosha Iyo Horumarka Dadka Iyo Dalka Jam... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|