Madaxda Dowlad-gobolleedyada Soomaaliya oo Gaadhay Magaalada Garoowe | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxda Dowlad-gobolleedyada Soomaaliya oo Gaadhay Magaalada Garoowe
January 25, 2019 - Written by Reporter:

Garoowe (WJN)- Hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada Soomaaliya ayaa gaadhay magaalada Garoowe, halkaas oo ay ka socoto qaban qaabadda xaflad lagu caleemo-saarayo madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland iyo ku-xigeenkiisa.

Madaxweynayaasha Jubbaland, Koonfurgalbeed iyo Hirshabeelle ayaa dhammaantood gaadhay Garoowe,iyagoo kala hoggaaminaya wafdi isugu jira wasiirro iyo xildhibaanno.

Waxaa si gaar gaar ah ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Garoowe, madaxweynaha maamulka Puntland, kuxigeenkiisa iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Puntland.

Hoggaamiyayaasha ayaa Garoowe uga qaybgalaya xafladda caleemo-saarka, oo sidoo kale la filayo inuu ka qaybgallo Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirro ka tirsan dowladda federaalka ayaa hore ugu sugnaa magaalada Garoowe,iyagoo hor-dhac u ah wafdiga Madaxweynaha dowladda federaalka.

Xafladda caleemo-saarka ayaa la qorsheeyay Sabtida berri ah in la qabto, sida laga soo xigtay guddiga qaban qaabada.

COMMENTS
LINKS