|
|||||
WAJAALE NEWS
Macluumaadka Dadkii Ka Dambeeyay Rabshadihii Jigjiga oo La Shaaciyay
January 25, 2019 - Written by Reporter:Addis Ababa (WJN)- Xafiiska xeer ilaalinta Itoobiya ayaa shaaciyay tirada dadka loo aqoonsan yahay iney sababta u yihiin dhibaatadii 4-tii bishii August ka dhacday magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida. Mas’uuliyiinta xeer ilaalinta guud ee dalka ayaa Shir Jaraa’id oo ay qabteen waxay ku sheegeen in 46 ruux ay mas’uul ka yihiin tacadiyadii dhacay, waxayna intaas ku dareen in 6 ka mid ah dadkaas hore gacanta loogu dhigay oo ay xidhan yihiin. Waxaa socda howlgal loogu raad joogo dhammaan 40-kii ruux ee kale, sida lagu qeexay macluumaadka uu shaaciyay xafiiska xeer ilaalinta guud ee dalka Itoobiya. Waxay sheegeen in 6-da ruux ee xidhan uu ku jiro madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar. Xeer ilaalinta ayaa shirkooda jaraa’id ku sheegay in eedeysaneyaasha lagu raad joogo ay ku kala sugan yihiin dadlka gudihiisa iyo dibaddiisaba. Waxay sidoo kale intaas ku dareen in ay la xidhiidheen dowladaha ay dadka baxsaday ku sugan yihiin ayna ka codsadeen in meelaha ay joogaan laga soo xidho, loona soo gacan galiyo dowladda Itoobiya. Qaar ka mid ah dadka lagu raad joogo ayey sheegeen iney ku sugan yihiin dalal ku yaalla qaaradda Afrika, inkastoo aysan carrabaabin. Waxaan sidoo kale ilaa iyo hadda si rasmi ah loo shaacinin magacyada dadka la doon doonayo. 4-tii Bishii August ee sannadkii la soo dhaafay ayaa mudaharaadyo ka dhacay magaalada Jigjiga lagu geystay tacaddi iyo boob hanti oo waxyeello badan geystay.
WAJAALENEWS DESK JIGJIGA OFFICE WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:Qatar Iyo Al-Shabaab Oo Si Wada Jir ah Loogu Eedeeyay In Ka Wada Shaqeeyeen Qarax Ka Dhan Ahaa Imaar... War Deg Deg Ah: Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Hada Ka Hadlay Dagaalkii Saaka Ee Tukaraq Gaadhi Sida Raashin Dhacay Lagana Soo Celiyay Itoobiya Oo Mudo 45Cisho Ah Ku Xanibnaa Wajaale Oo Ogo... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|