“Ma’aha In Canaanta Uganda Colaad Loo Badallo”.Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Ma’aha In Canaanta Uganda Colaad Loo Badallo”.Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan
January 30, 2019 - Written by Reporter:

Muqdisho (WJN)- Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaliya islamarkaana hadda ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ka dareen celisay weedho ka soo yeedhay Madaxweynaha Dowlada Uganda oo ay dhibsatay Soomaaliya.

Sidoo kale Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa ku amaantay dowladda Uganda doorka ay ka qadatay difaaca dalka iyo sidii dowladda Soomaaliya looga gacan siin lahaa adkeynta nabad-galyada, Iyadoona ayaaan daro ku tilmaantaay in canaanta Madaxweynaha Uganda colaad loo baddalo.

”Waxaa nasiib darro ah in mar kale lagu degdego tallaabo laga qaado hay’addaha ama dowladdaha u helleen Taakuladda iyo ilaalinta Nabad-galiyadeena, Uganda waxey inoo daadisay dhiig badan ilaa iyo hadda wey na bar bartaagan tahay, ma’aha in canaanteeda Colaad loo badallo ayeey tidhi Xildhibaan Foosiya.

Hore sidan oo kale waxaa uga fal celiyay hadalka madaxweynaha Uganda xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo qaarkood sheegay in erayada uu isticmaalay Madaxweynuhu yihiin kuwo loo qaateen ah.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS