Kulankii Xisbiyada Mucaaridka iyo Xukuumada oo Lagu Kala Kacay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kulankii Xisbiyada Mucaaridka iyo Xukuumada oo Lagu Kala Kacay
January 2, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Kulan ay saaka markale yeesheen xisbiyada mucaaridka Somaliland iyo Xukuumada, ayaa lagu kala kacaay iyadoona aanay wax natiijo ahi ka soo bixin.

Kulanka ayaa waxa kala Hogaaminayeen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici, Gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe.

Sidoo kale Xisbiga Waddani oo ugu horeyn warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulankaasi aanay wax natiijo ahi ka soo bixin, islamarkaana xisbiga Kulmiye aanu la imanin wax tanaasul ah, oo uu miiska soo saaray in kominshanka laba xubnood lagu daro marka doorashadan soo socota la qabto, taas oo Waddani sheegay in aanu marnaba aqbali doonin.

Dhinaca kale Guddoomiyaha xisbiga Ucid oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xisbigoodu uu doonaayo in doorasho dhacdo 2019-ka, waxaana uu eedeymo u jeediyey xisbiga Waddani oo uu ku sifeeyay mid aan danta Somaliland waddin.

 

COMMENTS
LINKS