Kulan Dhexmaray Agaasimaha Dp Word iyo Ra”iisal Wasaaraha Itoobiya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kulan Dhexmaray Agaasimaha Dp Word iyo Ra”iisal Wasaaraha Itoobiya
January 24, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Agaasimaha DP world Sultan Axmed Bin Sulayem, ayaa la kulmay Ra”iisal wasaaraha Itoobiya oo ay ka wada qayb galeen shirka dhaqaalaha adduunka ee ka socda dalka Switzerland.

Qoraal kooban oo uu agaasime Sultaan soo geliyay barta uu ku leeyahay twitterka wuxuu sheegay inuu Ra”iisal wasaaraha Itoobiya kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin waxyaabaha ay Dp world ka waddo Itoobiya, “Kulan qiimo leh ayaan Ra”iisal wasaaraha Itoobiya kula yeeshay shirka dhaqaalaha ee dunida ee ka socda Switzerland.” Ayuu yidhi Sultaan, waxaanu intaas raaciyay “Waa nin maskax furan, karti badan oo leh aragti hoggaamiye. Waxaanu wada hadal balaadhan oo togan ka yeelanay ganacsiga Afrika ee mustaqbalka iyo gaar ahaan qorshayaasha DP world ay ka wado Itoobiya.”

Itoobiya ayaa maalgashiga ay DP world ka wado dekedda Berbera waxay ku leedahay saami dhan 19%.

COMMENTS
LINKS