|
|||||
WAJAALE NEWS
Golaha Guurtidda oo La Iskugu Yeedhay Si Ay Uga Arrinsadaan Dib U Dhaca Doorashada
January 10, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtidda Somaliland Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi ayaa shaaciyey in Golaha Guurtiddu fadhi aan caadi ahayn iskugu iman doono maalinta Sabtida ee taariikhdu tahay 12ka Bishan January. Waxa uu Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtidu uu Mudaneyaasha ku wargeliyey in aanay ka baaqsan fadhigaas oo muhiim ah isla markaana lagaga hadli doono arrimo danaha Qaranka JSL, Sidaas darteed, inkasta oo aanu shaacinin waxyaabaha uu la xidhiidho ee lagaga hadli doono fadhigan aan caadiga ahayn. Geesta kalena Siday ilo looga xog ogaal ahi xaqiijiyeen, waxa fadhigan Golaha Guurtidda la iskugu yeedhay ka dambeeyey waraaq uu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu u qoray Golaha Guurtidda inay waajibaadkooda ka gutaan doorashadii isku lammaaneyd ee Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ee dib u dhacday.
WAJAALENEWS DESK HARGEYSA OFFICE WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:War Naxdin Leh:Laba Wiil Oo Isku Adeer ah Oo Dablay Hubaysan Maanta Si Fool Xun Xun Ugu Dileen Tuul... Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa si weyn looga dareemayaa soo dhaweynta Maalinta Ciidul-fidrada... Musharixiinta Maxamed Cabdilaahi Bookh Iyo Cabdi Cali Oo Kulan la Yeeshay Dhalinyarada Iyo Waxgaradk... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|