|
|||||
WAJAALE NEWS
Itoobiya oo Xabsiga Dhigtay Wasiir Hore
January 23, 2019 - Written by Reporter:Addis Ababa (WJN)- Wasiir hore oo ka tirsaan dowladda Itoobiya ayaa xabsiga la dhigay kaddib markii lagu eedeeyay inuu lunsaday hantida dadweynaha. Bereket Simon oo ahaan jiray wasiirkii hore ee isgaadhsiinta dalka Itoobiya ayaa saaxib dhaw la ahaa ra’iisal wasaarihii geeriyooday Meles Zenawi. Warbaahinta maxalliga waxay ku warrantay in Bereket Simon laga qabtay gurigiisa subaxnimaadii saaka, waxaana lala xidhay sarkaal sare oo dowladda ka tirsanaa. Waxaana lagu eedeeyay inay lunsadeen lacago loogu talagalay in lagu maageliyo mashaaric gobolka Amxaarada. Bereket ayaa kamid ahaa xubinihii aasaasay xisbiga haya talada Itoobiya ee EPRDF. Tan iyo bishii Nofembar ee sannadkii lasoo dhaafay, dowladda Itoobiya waxay xabsiga dhigtay in ka badan 70 saraakiil ah oo isugu jira militari iyo sirddoon kuwaas oo lagu eedeeyay musuq maasuq iyo inay ku tunteen xuquuqda aadanaha. Related posts:War DEG DEG AH; Madaxweynaha jsl Oo Xilka Qaadis Iyo Magacaabid ku Sameeyey Taliyihii Ciidanka Mad... DAAWO;-Xisbiga Ucid Oo Aqbalay Musharaxnimada Axmed Cali Sangub Oo Usharaxan Golaha Deegaanka Gabile... Shirkadaha Bixiya Adeega Korontada Jsl Oo Shaaciyey In Laga Bilaabo 1 August Ay Bakhtiin Doonaan La... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|