Itoobiya oo Heshiis La Gaadhay Laba Garab oo Ka Tirsan Jabhadaha Oromada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Itoobiya oo Heshiis La Gaadhay Laba Garab oo Ka Tirsan Jabhadaha Oromada
January 25, 2019 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN)- Dowladda Itoobiya ayaa heshiis nabadeed la gaadhay Laba Garab oo ka mid ah Jabhadaha Oromada, taas oo Af-jaraysa colaad iyo gadood Hubeysan oo Bilooyin ka taagnaa qaybo ka mid ah dalkaas, sida ay baahisay Wakaaladda wararka Ethiopia ee ENA.

Jabhadahan oo kala ah, Oromo Democratic Party (ODP) iyo Liberation Front (OLF) ayaa Khamiistii Shalay heshiis la saxeexday Is-bahaysiga haya talada Dalka Itoobiya, ka dib shir dib u heshiisiin ah oo Salaasadii Todobaadkan ka dhacay Addis ababa.

Milkesa Mideksa, oo ahaa wakiilka ODP iyo Dawud Ibsa, oo ah Guddoomiyaha OLF, ayaa si wada jir ah u ballan qaaday in ay iska ilaalinayaan Dhiig dambe oo daata , horena ay uga soconayaan wixii dhacay, dibna aan loo noqon doonin, iyagoo isku Af-gartay in la joojiyo falalka Gacan ka hadalka ah iyo rabshadaha Hubeysay ee dhowaanahan ka taagnaa qeybo ka mid ah Dalka Itoobiya.

Kulanka ayaa waxaa lagu Magacaabay Guddi ka kooban 71 xubnood oo loogu talagalay inay ka shaqeeyaan daba galka howlaha Hub ka dhigista, Qaramaynta Malleeshiyada Jabhadda OLF iyo dhammaystirka dhammaan qodobadii lagu heshiiyay.

Heshiiskan, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa qaar ka mid ah  hoggaamiyeyaasha sare ee Oromiya, Oday dhaqameedyo, Culimaa’udiin kala  duwan, aqoon yahanno, dhalinyaro iyo wakiillo siyaasadeed.

Waxaa Bilihii aynu soo dhaafnay Galbeedka Oromiya ka soconayay dagaallo u dhexeeyay Ciidamada Dawladda Itoobiya iyo Jabhada OLF , taas oo ay xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ay ka saartay Liiska Ururrada loogu yeedhi jiray argagixisada ee Dalka Itoobiya.

COMMENTS
LINKS