|
|||||
WAJAALE NEWS
Hay’adda Shaqaalaha Oo Ku Dhawaaqday In Markii U Horaysay La Sameeyey Guddi Abaalmarisa Shaqaalaha Dawladda!!
January 30, 2019 - Written by Editor:“28-Kii Sanno Ee Somaliland Jirtay Waxa Jiray Oo Keliya Guddida Anshax-Marinta Iyo Ciqaabaha,Sida Shaqaalaha Dawladdu U Yeeshaan Anshax-Marin Marka Ay Qalad Galaan Ayey Dhanka Kalena U Yeelaan Doonaan (Abaal-Marin)” Guddo. Sharmake Geelle Hay’adda shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, ayaa ku dhawaaqday in 28 sanno oo ay Somaliland jirtay imika la sameyn doono guddi dhiirigelin iyo abaalmarino guddoonsiinta shaqaale waynaha dawladda ee kala duwan oo markii hore kolkay qalad galaan la ciqaabi jiray balse qofka dedaale ee shaqaale dawladdeeda aan waligii hore loo abaalmarinin oo hada wixii ka dambeeya heli doona abaalmarin uu ku mutaysan doono shaqo wanaaga iyo dedaalka uu qaranka ugu adeego. Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda ee JSL md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo isagu qoraal uu ku shaaciyey in guddi qiimeyn iyo abaalmarin sannadle ah oo lagu dhiirigelin doono u sameyn doonta shaqaale weyn kala duwan ee qaranka Somaliland, ayaa xusay in 28-kii Sanno ee Somaliland ay jirtay Shaqaalaha Dawladdu lahayeen oo kaliya Guddi Anshax-marineed marka ay qalad galaan balse dhanka kale aanay heli jirin siyaasad u damaanad qaada Abaal-marin marka ay shaqo wanaag la yimaadaan, waxaana md Sharmaake Geelle uu warbixin bushaaro u ah Shaqaalaha Dawladda ka soo saaray qoraal kooban isaga oo xusay in Siyaasadaha dhawaan soo baxaya ee kobcinta cudduda Shaqaalaha ay kamid tahay Siyaasadda (Qiimaynta Hawl-qabadka iyo Abaal-marinta) Qoraal kooban oo uu soo saaray ayaa u dhignaa sidan: Ku dhawaad 28-Sanno oo ay Somaliland jirtay, xeerka Shaqaalaha Dawladda waxaa ku xusnaa oo keliye GUDDIDA ANSHAX-MARINTA oo ku cad qodobka 26-aad iyo DEMBIYADA & CIQAABAHA oo ku xusan qodobka 28-aad . Si dhanka kale loo helo abaal-marin shaqaale iyo qiimayn shaqo , waxaa 16-ka siyaasadood ee dhawaan soo baxaya kamid ah siyaasadda hagaysa “QIIMAYNTA HAWL-QABADKA SHAQAALAHA” si loo helo shaqaale hela qiimayn iyo abaal-marin ku salaysan siyaasad cad iyo habraac qodobaysan, taasi oo lagu kabi doonno Sharciga Shaqaalaha Dawladda. Hadii Shaqaalaha Dawladdu leeyihiin Anshax-marin waxaa iyadna iman doonta Abaal-marin! COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|