Filim Jaceyl ah oo ay jilayaan wiil uu Imaam Soomaali ah dhalay iyo gabadh uu baadari dhalay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Filim Jaceyl ah oo ay jilayaan wiil uu Imaam Soomaali ah dhalay iyo gabadh uu baadari dhalay
January 31, 2019 - Written by Reporter:

Waxaa magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka lagu soo bandhigay filim cusub oo laga sameeyey qiso jacayl ah oo dhexmaraysa wiil Soomaali ah iyo Gabadh caddaan ah.

Filmkan ayaa waxaa loogu magac daray First Person Plural.

Qisada filimka ayaa ah mid laga eegayo xidhiidhka dhexmari kara laba qof oo kala diin ah, gaar ahaan Muslimiinta iyo Masiixiyiinta.

Sheekada ayaa waxa laga jilay xidhiidh jaceyl ah oo dhexmaray wiil uu dhalay sheekh imaam ka ah Masjid oo asalkiisu yahay Soomaali iyo gabadh uu dhalay Baadari.

Toddoba ka mid jiliyaasha ayaa ah Soomaali,halka Toddoba kale ay yiihiin dad caddaan ah.

Maxay tahay u jeeddada filimka?

Filimkan ayaa sida ay sheegeen soo saarayaashiisa waxaa looga gol leeyahay wacyigalinta isdhexgalka bulshada.

Waxaa filmka sameeyay oo soo saaray Eric Tretbar.

Sida filimka ka muuqata, inkasta oo dadka ay ku kala duwan yihiin diinta,dhaqanka iyo midibka ayaa haddana waxyaabaha haddana dadka filimka jilaya waxay aaminsan yihiin in bin’aadamka waxyabaha midayn kara uu kamid yahay jaceylka.

Jilaayaasha filimka

Axmed Ismaaciil oo matalayay wiilka uu dhalay sheekha ayaa waxa uu sheegay in marka laga soo tago in dadka Mareykanka ku nool ay diin ahaan iyo dhaqan ahaan kala duwan yihiin, haddana ay bina’aadanimada ka siman yihiin.

” Dadka Mareykanka isugu yimid in ay u haystaan iyagu in labo duni ay ku kala nool yihiin,laakiin labo diinba ha kala haystaane dhaqan baa jira bina’aadanimo oo dadku ay wadaagaan “. Ayuu yidhi Axmed.

Jilaayaasha filimka First Person Plural ayaa waxay sheegeen in filimkan uu ka turjumaya jiilka cusub ee Mareykanka ku dhashay ama ku koray.

Fatxiya Cabsiye oo Filimka ku matalaysa hooyo ayaa sheegtay in marka muuqaalka iyo midibka qofka laga soo tago haddana marka ay dadku wada sheekeystaan wax badan uu isbadalayo.

“Waxaa jira jiil dhan oo waddankan la koray iyagoo da’ yar na yimid ama ku dhashay,had iyo jeer gurigii iyo dadkii ay la dhasheen waxaa uga badan dadka kale ee waddankan u dhashay ee noolosha ay la wadagaan” Ayay tidhi Fatxiya.

Sidey u arkeen dadkii daawaday Filimka

Jilaayaasha filimka

Qaar ka mid ah dadkii daawaday flimkan First Person Plural ayaa waxay sheegeen in uu yahay filimka dadka isu soo dhawaynaya.

Cabdi Risaaq Biixi oo ka mid ah dadka Filimka daawaday ayaa sheegay in qoysaska wax walba oo ay aaminsan yihiin iyo midabkooda marka laga soo tago ay marwalbo isku mid yihiin.

“Filimku wuxuu muujinayaa qoysku diintu rabo ha haysto,midibkuu doona na ha ahaado ama jinsiyaddu uu rabo ha noqdee, qoysasku in ay isku mid yihiin waliba qoyska Islamka ayaad moodaa in filimkan uu ku qurux badan yahay sida loo jilay,ayuu yidhi mr Biixi

Ma aha markii ugu horreysay oo dad ajnabi iyo Soomaali isugu jira ay sameeyaan filim ka hadlaya Soomaalida.

Isla qaar ka mid ah jilaayaasha filimka First Person Plural ayaa waxay hore u jileen filim ka hadlayay budhcad-badeeda Soomaalida.

COMMENTS
LINKS