|
|||||
WAJAALE NEWS
Faahfaahin Ka Soo Baxeysa Doomo Ku Degay Jabuuti
January 30, 2019 - Written by Reporter:Djibouti (WJN)- Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhimatay labo doonyood oo ku qalibmay xeebaha dalka Jabuuti, sida ay sheegtay laanta Qaramada Midoobey u qaabilsan muhaajiriinta. Qof kamid ah dadka kasoo badbaaday badda ayaa sheegay in 130 qof ay saarnaayeen doomaha, waxaa hadda socotaa howlaha samatabixinta ee lagu raadinayo dadka maqan. Dalka Jabuuti ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay noqday marin ay sii kasii tallaabaan muhaajiriinta ku wajahan kacanka Cadmeed. Ha’yadda IOM waxay sheegtay in dadka degan gobolka Obokh ee Waqooy bari dalka Jabuuti ayaa dhacdadaasi ku wargeliyay booliska kaddib markii ay arkeen labo qof oo kasoo badbaaday doomaha qalibmay iyo meydadka saddex haween iyo labo rag ah. Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in doomaha ay qalibmeen markii nus saac ku dhawaad ay badda ku safrayeen, labada doonyood ayaa la sheegay in rakaab xadh dhaaf ah ay saarnaayeen. Related posts:DAAWO ; Wacdarihii Sanadka Cusub Ee Dubai iyo Fanaanka Codka Macaan Mursal Muuse Heestii Hablaha “Somaliya Baydhabo Itoobiyaan Ayaa Jooga, Kismaayo Kenyaan Ayaa Jooga, Horta Intayna Somaliland Ka H... Siyaasi Cali Guray Oo Ka Faalooday Dagaalka Udhexeeya Tigrayga Iyo Dawlada Itoobiya Oo Waji Kale Ye... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|