Ex: Wasiir Caddami oo Ka Hadlay Aragtidiisa Shirka Kulmiye | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ex: Wasiir Caddami oo Ka Hadlay Aragtidiisa Shirka Kulmiye
January 24, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan Shirweynaha Xisbiga Kulmiye ee lagu qabanayo Magaalo Madaxda Awdal ee Boorama, muddo kordhinta loo sameeyey Golaha Wakiilada, iyo ismarin waaga Xisbiyada ee wali xalka laga gaadhin.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami,oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeynyidhi “Muddo wax lagu qaban karo oo lagu sii diyaar-garoobi karo ayaa loo kordhiyey Golaha Wakiilada, waxaana daruuriya oo laga sii diyaar-garoobo wax kasta oo Doorashada qabsoomideeda ku xidhan, ta kale haddii Xisbiyada sidan isku sii haystaan oo khilaafkooda xal u heli wayaan, Doorasho dhici mayso, jiid aan ku jiideena, waa gacma daalis, ee maaha inay Xisbiyadu sii kala fogaadan, mawqifkaygu kala durugsana qaatan, ee waa inay isku soo dhawaadan, oo khilaafkooda xal ka gaadhan”.

Caddami mar uu ka hadlaayey Shirweynaha Xisbiga Kulmiye wuxuu yidhi “Gobolka Awdal waa Gobol Somaliland taariikh ku leh, mar haddii Shirweynihii Xisbiga Kulmiyena lagu qabanayo waa mid aan soo dhaweeynayo, waxaana rajaynayaa oo aan filayaa inuu Shirweynaha Xisbigu uu ku dhammaan doono khilaaf la’aan, muran la’aan, is afgarad iyo khayr.”

 

Source: Geeska

COMMENTS
LINKS