Dukaamo Ay Soomaali Leedahay oo Koonfur Afrika Lagu Boobay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dukaamo Ay Soomaali Leedahay oo Koonfur Afrika Lagu Boobay
January 31, 2019 - Written by Reporter:

Johannesburg (WJN)- Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika waxay sheegayaan in dukaamo ay soomaalidu ku leeday dalkaasi la boobay.

Cabdi Mahad Bilow Kunow oo kamid ganacsatada boobka loo geystay ayaa BBC u sheegay in ilaa toddobo dukaan la boobay isla markaasna ay ka carareen kooxda weerarka kusoo qaaday.

“Afar qof ayaan ku joognay..markii aan aragnay inay yihiin ilaa kontomeeyo oo aan waxbo ka qaban karin,waan iskaaga cararnay. meel duur ayaan gaadhnay ilaa laba saacadood ayay dukaanka dhex cayeen” ayuu yidhi Cabdi Mahad.

Goobaha ganacsiga la boobay waxay ku yaalleen deegaan ka tirsan gobolka Limpopo Limpopo ee dalka Koonfur Afrika.

Waxaa uu intaasi ku daray in marki dambe ay booliska us oo gurmadeen si noloshooda loo badbaadiyo.

Dadka deegaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka cabanayay biyo iyo koronto la’aan ka jirto deegaanka.

Cabdi Mahad ayaa sidoo kale in weerarka lagu soo qaaday soomaalida ay ku dhaawacmeen labo qof.

COMMENTS
LINKS