Dibadbaxyadii Ugu Weynaa oo Suudaan Ka Dhacay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dibadbaxyadii Ugu Weynaa oo Suudaan Ka Dhacay
January 25, 2019 - Written by Reporter:

Khartuum (WJN)- Tirada dhimashada dadka ku dhintay dibadbaxyada Suudaan ayaa sare u kacday xilli magaalooyin hor leh ay kusii baahayaan dibadbaxyada looga soo horjeedo dowladda Suudaan.

Ururka shaqaalaha Suudaan ayaa ku dhawaaqay in maanta ay dhigayaan bannaanbaxyo salaadda Jimcaha kaddib.

Guddiga dhakhaatiirta Suudaan ayaa shaaca ka qaaday in saddex qof ay ku dhimatay rasaasta ay ridayeen laamaha ammaanka, labo kamid waa ardey jaamacadeed.

Shalay kumannaan qof ayaa dibadbaxyo ka dhigay waddooyinka magaalooyin ka tirsan dalkaasi, waxaana lagu tilmaamay dibadbaxyada ka socda kuwii ugu ballaadhnaa ee dalkaasi ka dhaca.

Dibadbaxyada ayaa ka bilaawday markii qiimaha cuntada ay sare u kacday balse kuwii ugu dambeeyay waxaa looga codsanayay madaxweyne Al Bashiir inuu xilka ka dego.

COMMENTS
LINKS