|
|||||
WAJAALE NEWS
Dibadbaxyada Suudaan oo Weli Socda
January 18, 2019 - Written by Reporter:Khartuum (WJN)- Dalka Suudaan waxaa ka socdaa dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda, xalay agagaarka Cusbitaal ku yaalla Khartuum ka dhacay bannaanbaxyo lagu codsanayo inuu xilka ka dego madaxweyne Al Bashiir. Maalmihii lasoo dhaafay kumanaan qof ayaa dibadbaxyo ka dhigayay waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Khartuum, Shalay nin dhalinyaro ah oo dhakhtar ahaa iyo wiil yar ayaa lagu toogtay magaalada Burri ee ku taalla Suudaan, bulshada rayidka waxay sheegeen in 9 qof ay ku dhaawacmeen dibadbaxyadii shalay dalkaasi ka dhacay. Muuqaal baraha bulshada lasoo geliyay ayaa muujinayay dibadbaxyaasha oo ku dhawaaqayo ‘Xilka ka deg madaxweyne’ Qaramada Midoobey waxay cambaareeysay sida ay ciidamada uga falceliyeen dibadbaxyada looga soo horjeedo qiimaha maciishadda oo sare u kacday. Laamaha amaanka ayaa xabsiga dhigay dad badan oo ka qeyb ka ahaa dibadbaxa, kooxaha u doodo xuquuqul insaanka waxay sheegeen in ugu yaraan 40 qof ay ku dhinteen dibadbaxyada tan iyo bishii lasoo dhaafay. Related posts:Maayarka Gabiley Oo Ka Dareen Celiyay Go,aankii Maxkamada Sare Ku Laashay Dacwad Ay Ugudbiyeen Qaark... Daawo:Fanaan Busi Oo Ka Hadlay Xafladii Xilwareejinta ee Wasaarada Warfaafinta Kana Dalbaday Masuuli... Daawo:Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Kali Talisnimo Ku Sifeeyay Xukuumada Madaxwayne Biixi Kuna Go... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|