|
|||||
WAJAALE NEWS
Dibadbaxyada Suudaan oo Weli Socda
January 18, 2019 - Written by Reporter:Khartuum (WJN)- Dalka Suudaan waxaa ka socdaa dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda, xalay agagaarka Cusbitaal ku yaalla Khartuum ka dhacay bannaanbaxyo lagu codsanayo inuu xilka ka dego madaxweyne Al Bashiir. Maalmihii lasoo dhaafay kumanaan qof ayaa dibadbaxyo ka dhigayay waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Khartuum, Shalay nin dhalinyaro ah oo dhakhtar ahaa iyo wiil yar ayaa lagu toogtay magaalada Burri ee ku taalla Suudaan, bulshada rayidka waxay sheegeen in 9 qof ay ku dhaawacmeen dibadbaxyadii shalay dalkaasi ka dhacay. Muuqaal baraha bulshada lasoo geliyay ayaa muujinayay dibadbaxyaasha oo ku dhawaaqayo ‘Xilka ka deg madaxweyne’ Qaramada Midoobey waxay cambaareeysay sida ay ciidamada uga falceliyeen dibadbaxyada looga soo horjeedo qiimaha maciishadda oo sare u kacday. Laamaha amaanka ayaa xabsiga dhigay dad badan oo ka qeyb ka ahaa dibadbaxa, kooxaha u doodo xuquuqul insaanka waxay sheegeen in ugu yaraan 40 qof ay ku dhinteen dibadbaxyada tan iyo bishii lasoo dhaafay. Related posts:Madaxwayne Kuxigeenka Somaliland Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Gaadhay Hindiya Iyo Nuxurka Kulamo Uu L... Mamulka Puntland Oo Beeniyey In Aan Wax Wada Hadal Ahi Dhex Marin Wasiiro Ka Tirsan Somaliland Intii... DAAWO;-Siyaasi Cabdilaahi Dheere Oo Ka Hadlay Khilaaf Beeshiisa Dhexdeeda Ah Oo Taagan Caleemo Saar... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|