|
|||||
WAJAALE NEWS
“Ciidamada Dowladda Somaliya Way Karaan Difaaca Dalkooda”.Madaxweynaha Jabuuti
January 29, 2019 - Written by Reporter:Djibouti (WJN)- Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in wixii hadda ka danbeeya ciidamada dowladda Soomaaliya awood u leeyihiin difaaca dalkooda. Isaga oo Madaxweyne Geele ka hadlayay howlgalka AMISOM iyo suurtagalnimada in ay ka bixin karaan xiligan dalka Soomaaliya ayuu sheegay in dadaal dheeraad ah la galiyay sidii loo dhisi lahaa ciidamada dowladda, haddii ay ahaan lahaayeen Militari iyo Booliis intaba, isaga oo sheegay in la dardar galiyo ka bixxintaan ciidamada AMISOM. ”AMISOM iyo dowladdaha kale ee saaxiibada la ah Soomaaliya waxaa ay dadaal u galleen sidii loo dhisi lahaa ciidamada Soomaaliya, hadda waxaa muuqata in ay karaan oo ay awood u leeyihiin difaaca dalkooda, waayo waxa la dagaalamaya dowladdo ma’aha oo diyaarado iyo gantaalo sita” ayuu yidhi madaxweyne Geelle. Waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay iskutashi ballaadhan oo ku aadan ciidanada dowladda Soomalida ay hantaan Ammaanka dalkooda.
WAJAALENEWS DESK DJIBOUTI OFFICE WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:Musharax Xildhibaan Gole-deegaan Eng Maxamed Cabdilaahi Qarbooshe Ku Dooro Daacadnimo Iyo Aqoon... War Deg Deg ah; Maamulaha kastamka Wajaale Oo Isagoon Xilka Hayn Mudo 24 Saac Ah Durba Xabsiga Utaxa... DAAWO;-Wiil Uu Dhalay Muj Xasan Yoonis Habane Oo Si Adag Uga Hadlay Faro Galinta Ay Xukuumadu Ku Hay... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|