“Ciidamada Dowladda Somaliya Way Karaan Difaaca Dalkooda”.Madaxweynaha Jabuuti | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Ciidamada Dowladda Somaliya Way Karaan Difaaca Dalkooda”.Madaxweynaha Jabuuti
January 29, 2019 - Written by Reporter:

Djibouti (WJN)- Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in wixii hadda ka danbeeya ciidamada dowladda Soomaaliya awood u leeyihiin difaaca dalkooda.

Isaga oo Madaxweyne Geele ka hadlayay howlgalka AMISOM iyo  suurtagalnimada in ay ka bixin karaan xiligan dalka Soomaaliya ayuu sheegay in dadaal dheeraad ah la galiyay sidii loo dhisi lahaa ciidamada dowladda, haddii ay ahaan lahaayeen Militari iyo Booliis intaba, isaga oo sheegay in la dardar galiyo ka bixxintaan ciidamada AMISOM.

”AMISOM iyo dowladdaha kale ee saaxiibada la ah Soomaaliya waxaa ay dadaal u galleen sidii loo dhisi lahaa ciidamada Soomaaliya, hadda waxaa muuqata in ay karaan oo ay awood u leeyihiin difaaca dalkooda, waayo waxa la dagaalamaya dowladdo ma’aha oo diyaarado iyo gantaalo sita” ayuu yidhi madaxweyne Geelle.

Waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay iskutashi ballaadhan oo ku aadan ciidanada dowladda Soomalida ay hantaan Ammaanka dalkooda.

 

WAJAALENEWS DESK

DJIBOUTI OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS