Biyo Gelinta Magaalada Hargeysa oo Bilaabmatay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Biyo Gelinta Magaalada Hargeysa oo Bilaabmatay
January 8, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Maareeyaha wakaalada Biyaha Hargeysa Maxamed Cali Daarood oo ay wehelinayaan Maayarka Caasimada Hargeysa, Xoghayaha Dowlada Hoose iyo Xubno ka tirsan gudida Biyo gelinta caasimada Hargeysa, ayaa maanta kormeer ku tagay goobaha ay ka bilaabmayaan Biyo gelinta Caasimada Hargeysa oo ay shirkada gacanta ku haysa wakhtigan soo dhamaysay sahamintii nidaamka Biyo gelinta oo in mudo ah socotay.

Ugu horayn gudida Biyo gelinta Caasimada Hargeysa ayaa, warbixin ka dhagaystay madaxa shirkada gacanta ku haysa Biyo gelinta Caasimada Sorran, Isagoona sheegay inay sifiican ugu soo dhamaatay sahaminta ay ka samaynayeen biyo gelinta Hargeysa dhawaana ay bilaabi doonaan sidii xaafadaha Hargeysa u gelin lahaayeen dhuumaha biyaha, waxaana uu bulshada ku dhaqan Caasimada Hargeysa ku amaanay sidii ay ula shaqeeyeen, Isagoona intaasi ku daray in sadexda sano ee socda ay ku dhamayn doonaan mashruucaasi.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

COMMENTS
LINKS