Bereket Simon oo Maanta Maxkamad La Hor Keenay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Bereket Simon oo Maanta Maxkamad La Hor Keenay
January 25, 2019 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN)- Bereket Simon iyo Tadesse Kassa oo lagu eedeeyay falal musuq maasuq ah ayaa maanta kasoo hor muuqday maxkamad ku taalla magaalada Bahir Dar ee gobolka Amxaarada waqooyiga Itoobiya.

Waxaa loo diiday in lagu soo daayo damaanada, waxaa ay si xidhnaan doonaan muddo 14 cisho ah.

Waxaa dhageysiga dacwadda loo heysta labadan nin dib loo dhigay ilaa 8 bisha Febraayo markaas oo maxkamadda go’aan ka gaadhi doonto eedeymaha loo jeediyay.

Bereket ayaa kamid ahaa xubinihii aasaasay xisbiga haya talada Itoobiya ee EPRDF.

Tan iyo bishii Nofembar ee sannadkii lasoo dhaafay, dowladda Itoobiya waxay xabsiga dhigtay in ka badan 70 saraakiil ah oo isugu jiro militari iyo sirddoon kuwaas oo lagu eedeeyay musuq maasuq iyo inay ku tunteen xuquuqda aadanaha.

COMMENTS
LINKS