“Beeshani Waxba Ma Tabato Ee Way Talisaa, Beeshani Ma Cabato Ee Way Dulqaadataa oo Kaalintas Ayeyna Somaliland Ku Leyihiin”.Madaxweyne Biixi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Beeshani Waxba Ma Tabato Ee Way Talisaa, Beeshani Ma Cabato Ee Way Dulqaadataa oo Kaalintas Ayeyna Somaliland Ku Leyihiin”.Madaxweyne Biixi
January 7, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo badan taabanaya ka jeediyey madal uu hadhimo-sharafeedd ugu sameeyay Salaadiinta, Cuqaasha iyo Waxgaradka Beelaha Garxajis, ayaa ku dheeraaday doorka soo jireenka ah ee ay beeshani kaga jirto qarannimada Somaliland, waxana uu caddeeyey inay beeshani qayb libaax kasoo qaadatay dib-u-dhiskii qaranka iyo horumarka wakhtigan la gaadhayba.

Madaxweynuhu waxa uu sharraxay kaalinta lama ilaawaanka ah ee ay beeshani kaga jirto qaranka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Halkan waxan idiinku yeedhay inaannu idiinka mahadnaqno xukuumad ahaan, madaxweyne ahaan iyo weliba qaranka Somaliland intiisa badan inta qarannimada jecel, inta nabadda jecel iyo inta horumarka jecelba aniga oo ka wakiil ah waxannu idiinkaga mahadnaqaynaa hawlaha qaranka, gurmadka qaranka, difaaca qaranka iyo ilaalinta qaranka halka aad kaga jirtaan deegaan ahaan, gobollada halkaad ka joogtaan iyo halkaad ka deggen tihiinba,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Isaga oo hadalkiisa sii wata madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu carrabka ku adkeeyey doorkii soo jireenka ahaa ee talo-qabeennimada iyo isu soo dhaweynta bulshada isugu jirey ee ay beeshani caanka ku ahayd, waxana uu kula dardaarmay inay soo xoojiyaan kaalintii mugga lahayd ee ay bulshada iyo qarankaba ugu jireen, wixii talo ahna uu madaxweyne ahaan mar warba diyaar u yahay, waxana uu yidhi, “Beeshani waxba ma tabato’e way talisaa, beeshani ma cabato’e way dulqaadataa oo dadka ayey isku soo jiiddaa, kaalintaas ayeyna Somaliland ku leeyihiin, farriintayduna waa dalkan Somaliland marka uu difaac u baahdo xooggiisii baad tihiin, markuu talo u baahdona talo-qabeenkiisii baad tihiin, markuu dulqaad u baahdona gogoshii lagu soconayey baad tihiin oo idinku kuwii cadhoonayey ma tihidin, marka aad wax tabanaysaan ama in wax la saxo aad doonaysaan taladaad ku saxdaan.”

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

COMMENTS
LINKS