Barayaasha jaamacadaha Suudaan oo Ku Dhawaaqay Dibadbaxyo Hor Leh | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Barayaasha jaamacadaha Suudaan oo Ku Dhawaaqay Dibadbaxyo Hor Leh
January 30, 2019 - Written by Reporter:

Khartuum (WJN)- Barayaasha jaamacadaha dalka Suudaan ayaa ku dhawaaqay in maanta magaalada Khartuum ay ka dhigayaan dibadbaxyo hor leh oo ay kaga soo horjeedaan dowladda.

Qorshahan dibadbaxa ay shaaca ka qaadeen barayaasha ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Suudaan ay amar ku bixisay inay xabsiga kasoo sii deyneyso dadkii la xiddhay ee ka qeyb qaadanayay dibadbaxa lagu codsanayay inuu iscasilo madaxweyne Al Bashiir.

Baryaasha jaamacadaha dalka Suudaan waxay sidoo kale daabaceen dokumenti ay ku codsanayaan inuu xilka ka dego Al Bashiir.

Mid kamid ah dadka gadhwadeenka ka ah bannaanbaxa oo lagu magacaabo, Louay Mustashar ayaa BBC u sheegay inay sii wadi doonaan bannaanbaxa tan iyo inta laga xallinayo dhibaatada siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee ka taagan dalkaasi.

Dadka u doodo xuquuqul insaanka waxay sheegeen in ka badan kun qof in xabsiga loo taxaabay tan iyo markii dibadbaxyada ka bilaawdeen Suudaan.

COMMENTS
LINKS