Axmed Shide: Ninka Ugu Awooda Badan Xisbiga Talada Haya Ee Jigjiga | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Axmed Shide: Ninka Ugu Awooda Badan Xisbiga Talada Haya Ee Jigjiga
January 24, 2019 - Written by Reporter:

Jigjiga (WJN)- Waxaa baraha bulshada aad looga hadal hayaa Axmed Shide oo ah guddoomiyaha xisbiga Dimoqraadiga ee Shacabka Soomaalida ee dalka Itoobiya oo ay wararku sheegayaan in uu khilaaf soo kala dhex-galay isaga iyo madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida.

Haddaba waa kuma Axmed Shide?

Axmed Shide waxaa uu culuunta maareynta kheyraadka iyo xallinta khilaafaadka kusoo bartay mac-had ku yaala dalka Netherland, waxaana intaa kadib uu shahaadada koowaad ee arrimaha horumarinta ka qaatay jaamcadda Salex ee dalka Ingiriiska.

Waxaa uu xilal kala duwan kasoo qabtay dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, oo ay kamid yihiin ku xigeenka madaxa xafiiska beeraha iyo horumarinta deegaanada, gudoomiyihii guddiga arrimaha xoola dhaqatada oo uu ahaa sannadkii 2003-da iyo madaxa xafiiska wanaajinta adeegyada bulshada.

Sidoo kale sannadkii 2008 waxaa uu la taliye sare usoo noqday madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar.

Nin la yidhahdo Girma Gutema oo sheegay inay saaxiibo dhaw yihiin Axmed ayaa sheegay in Shide uu kusoo barbaaray magaalada Nageyle ee dalka Itoobiya, halkaasi oo uu kusoo qaatay waxabarashadiisa dugsiga hoose dhexe iyo dugsiga sare.

Inkastoo siyaasadda la sheego in uu ka bilaabay heer deegaan ayaa haddana waxaa muuqata in uu horumar ka sameeyay, isagoo hadda ah wasiirka maaliyadda, jagadaasi oo muhiim ka ah Itoobiya.

Waxaa kale oo uu hore usoo noqday wasiirkii warfaafinta ee Itoobiya.

Sannadkii 2016 waxa uu ahaa Wasiirka Gaadiidka, kahor inta uusan noqonin Wasiirkii Maaliyadda.

Dhanka siyaasadda deegaanka, sannadkii 2004 wuxuu mar soo noqday xoghayaha guud ee xisbiga Dimoqraadiga ee Shacabka Soomaalida, waxaana lagu tiriyaa in uu kamid yahay shakhsiyaadka ugu saameynta badan siyaasadda deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Shide ayaa sannadihii 2003 ilaa 2004 waxaa kale oo uu soo noqday madax xafiiseedka Ra’iisal wasaraha iyo Madaxweynaha dalka Itoobiya, waxaana uu hore ula soo shaqeeyay oo ay xulafo ahaayeen Madaxweynihii hore ee deegaanka, Cabdi Maxamuud Cumar.

COMMENTS
LINKS