Axmed Shide Iyo Mustafe Cagjar: keebaa Siyaasadda Deegaanka Ku Guulaysan Doonna In Loo Daba Fadhiisto? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Axmed Shide Iyo Mustafe Cagjar: keebaa Siyaasadda Deegaanka Ku Guulaysan Doonna In Loo Daba Fadhiisto?
January 26, 2019 - Written by Editor:

Inkastoo siyaasadda la malayn Karin oo saacado gudahood isbedeli karto, haseyeeshee markaan qiimeeyo ifafaalaha socda waxay u dhowdahay inuu gacan saraynayo gudoomiye Axmed Shide.

Soomaaliddu siday u fikirayaan iyo Itoobiyaanka kale waxay ka aaminsan yihiin Soomaalida ayaa kaaf iyo kala dheeri ah, sababta Axmed Shide u guulaysanayaa waxay tahay waxa uu matalayaa dawladda ee Fadaraalka Itoobiya, waxaanu hayaa xilka ugu culus wasiiradda oo ah wasiirka Maaliyadda.

Sidoo kale, Axmed Shide waa dhalinyartii wax ku baratay Itoobiya waxna ka noqotay, sidaas darteed waxa uu aaminsan yahay Itoobiyaanimo, heerkaasi uu taagan yahay iyo xilkaas uu hayo waxa uu ku noqday Itoobiyaan nimo, sida siyaasiyiinta Kenya u aaminsan yihiin Soomaali Kenyan ayuu isna u aaminsan yahay Soomaali Itoobiyaan (Somali-Ethiopian).

Mid kale waa inaynu ogaanaa hadii aynu Soomaali nahay, Itoobiya systemkeedii iyo siyaasadihii gudaheedu wuu dhisan yahay ee ma burburin, waxa is bedelay uun waa shakhsiyaad, sidaas darteed qofka loo arko in siyaasadda Itoobiya aaminsan tahay ee gudaheedda lagu dhaqayo inuu ka leexday macnaheedii Itoobiyuu ka leexday weeyi.

Ninkii Meles Zanaawi wuxuu ahaa hogaamiye ka sii fikirey wax kasta oo dhici kara mustaqbalka iyo sidii la iskugu hayn lahaa Itoobiya, Itoobiyaana waxa kaliya ee ka midaysan tahay waa in aanay burburin iyo in aan midnimaddu Itoobiya meesha ka bixin, waxaanay leeyihiin odhaahdyo caan ah oo midnimada Itoobiya tilmaamaya.

Meles isagoo arrimahaasi aaminsan wuxuu sameeyey dhallinyaro siyaasada cusub ee Itoobiya ku barbaartay oo wax walba ka jecel Itoobiyaannimo, dhamaan dhallinyarada fadaraalka iyo kililka soomaalidaba siyaasadeedda ku jirtaa ama xilal ka qabtay waxa ku mudan irbad ah Itoobiyaanimo inay wax ku noqdeen.

Axmed Shide waxa uu dawladda dhexe ka dhaadhiciyey in haddii aan maanta Kililka shanaad wax laga qaban oo dib loogu soo dabaalin itoobiya uu faraha ka baxayo, waxaanu sheegay cadaymaha uu sidaas u leeyahay, taasina waa sababta ay dawladda dhexe u taageersan tahay.

Axmed Shide waxa uu Cagjar ku eedeeyey:

  1. in aanu Cagjar la socon siyaasadda itoobiya, isla markaana uu dalka ka maqnaa, taasina ay tilmaamayso in aanu wax badan fahansanayn.
  2. Waxa kale oo uu ku eedeeyey in soomaalidii kale ee aan Soomaalida Deeganka ahayn farogalin ku hayso deegaanka ka dib markii uu sameeyey furfurnaan badan , taasina ay dib u abuurayso in soomaalida deegaanku ku kacaan Itoobiya oo ay doonaan inay ku biiraan Soomaalida kale, taasina ay tahay dhibaato ku soo fool leh itoobiya oo hadii aan imika wax laga qaban ay hadhow adkaandoonto waa sida uu ku doodayo gudoomiye Shide.
  3. Waxa kale oo uu ku eedeeyey in aanu awood hogaamineed lahayn oo uu jiicsan yahay oo ay ka xoog iyo siyaasad bateen qoladii mucaaradka ahaa ee ONLF ee dhowaan loo fasaxay inay deegaanka yimaadaan.

Qodobadaasi uu soo jeediyey waxa la qaatay dawladii dhexe, waxaana la isku raacay in la bedelo, waxaana mustafe Cagjar laga dalbaday markii uu Addis tagay inuu xilka baneeyo, haseyeeshee Cagjar wuu ka diiday waxaanu sheegay inuu haysto taageerada shacabkiisa, waxaanu shirar badan la gallay madaxda deegaanka iyo hal doorka bulshadda si uu arrintan cusub uga dhaadhiciyo si ay u taageeraan, waxaanay gaadhay heer ay is cariyaan adiga meesha ka bixi iyo adiga ka bixi, marka xaaladu waxay taagan tahay car iyo wir.

Musatafe cagjar wuxuu kasbaday shacabkii deegaanka, halka Axmed Shide-na uu haysto kalsoonidii dawladda dhexe ee Fadaraalka, waxaanay u badan tahay inuu xisbiga inta uu shiriyo xilka ka qaadaan ina Cagjar.

Sidoo kale, waxa iyaguna dib usoo noqday masuuliyiin uu ka mid yahay ninkii uu bedelay Cagjar ee mudada gaaban xilka hayey ee Axmed Ilka case, waxaana Addis isku urursaday siyaasiyiintii hore ee deegaanka gaar ahaan golihii Cabdi Iley oo fursad u helay inay la xullufo noqdaan Axmed Shide.

Dhinaca kale Itoobiya Cabdi Iley uma haysato dambiyadii uu Soomaalida ka gallay balse waxa kaliya ee lagu haystaa laguna eedeeyey waa afartii August ,2018-kii wixii dhacay iyo dhibaataddii Itobiyaankii jigjiga deganaa loo gaystay iyo hantidii laga dhacay.

Itoobiya haday tahay kuwii hore iyo haday tahay kuwan dambe waxay isku raacsan yihiin inuu Cabdi Iley soomaalida Deegaanka uu itoobiyaan ka dhigay, haseyeeshee waxa kaliya ee loo haysta waa dambigii uu gallay markii laga dalbaday inuu is casilo iyo rabshadihii uu sameeyey ee dadku ku dhinteen.

Si kastaba ha ahaatee, cidda khilaafkan xallin kara waa Abiy Ahmed, Ama Shide ayuu ku taageeri aragtidiisa ah inuu meesha ka saaro Mustafe ama inuu Axmed Shide ku qanciyo inuu mudadda ku meel gaadhka ah dhamaysto madaxweynuhu, waxaase loo badinayaa inuu taageersan yahay Axmed Shide oo uu hore ugu xil saaray arrimaha deegaanka in isaga loo daba fadhiisto..

QALINKII; BARKHAD-LADIIF CUMAR

HARGAYSA SOMALILAND

COMMENTS
LINKS