|
|||||
WAJAALE NEWS
Arday ay adag tahay inay waxbartaan iyagoon khatar u badheedhin
January 30, 2019 - Written by Reporter:Ka warran haddii marka aad iskuulka tagayso aad ku khasbantahay inaad ku dabaalatid biyaha badda oo ay ka buuxaan geedo, adigoo madaxa ay kuu saaranyihiin buugaagtaada oo bac ku duuban? Inta aad sii socotid oo dhan waxaad ku rafaadeysaa sidii aad wajigaaga uga sara marin lahayd biyaha isla markaana u xaqiijin lahayd in aadan biyaha ku hafan ka hor inta aadan iskuulka gaadhin. Sidoo kale waxaad niyadda ku heysaa in iskuulka ka dib aad sidaas oo kale ugu dabaalato guriga. Qaar ka mid ah carruurta ku nool waddanka Philippines, arrintan waxay u tahay wax maalin walba ay sameeyaan, laakiin hay’ad samafal ah ayaa isku dayeysa iney nolosha u fududeyso, si ay hab sahlan wax barashadooda ugu tagaan. Waxay hay’addan carruurtaas siineysaa doomo lagu geeyo dugsiga ka dibna looga soo celiyo. Mashruucan oo lagu magacaabay doonta jaallaha ah ayaa ka billowday fikrad yar oo lasoo dhigay baraha xidhiidhka bulshada, wuxuuna hadda noqday barnaamij caan ah oo lagu caawiyo dhammaan carruurta u baahan ee ku nool daafaha waddankaas. Bulshadii ugu horreysay ee deeqda samafaleyaasha heshay waxay ahaayeen qoysas kalluumeysato ah oo deggan jasiirad ka baxsan xeebta magaalada Zamboanga, oo ku taalla gobolka ay dagan yihiin dadka saboolka ah ee Mindanao, kaasoo ku yaalla dhinaca galbeed ee dalka. Carruurta qoysaskaas ayaa masaafe dhan ilaa 1 kilomitir biyaha ku dhex dabaalan jiray, si ay dugsigooda u gaadhaan. Mararka qaar haddii ay biyuhu badan yihiin carruurta dabaasha taqaanna oo kaliya ayaa ka gudbi karta. “Arrintaas waa mid khatar ah oo aan la isku halleyn karin, xitaa haddii ay yihiin kuwo dabaasha si fiican u yaqaanna, in badan oo carruurta ka mid ahna ma yaqaannaan sida loo dabaasho”, ayuu yidhi Jay Jaboneta oo ah aasaasaha hay’adda samafalka ah. Maadaama dhammaan qoysaska kalluumeysatada ah ay doomahooda u isticmaalaan si ay quutul daruuriga ugu raadsadaan, ma jiraan doomo kale oo ay carruurta u dhaafaan. Carruurta ayaa isku daya iney baco ku xidhaan buugaagtooda iyo dharkooda iskuulka, si aysan uga qoyin inta ay dugsiga u sii socdaan. “Kama war qabin xaaladdan, markii aan maqlayna aad baan u argagaxay waxaana ku qoray barteyda Facebook”, ayuu yidhi Mr Jaboneta oo ku koray meel aan ka fogeyn deegaankaas. Markii uu farriintiisa Facbook-ga ku codsaday in wax laga qabto xaaladda, Qaar badan oo ka mid ah saaxiibadii ayaa ka soo jawaabay oo ku yaboohay lacago. Maanta hay’addan samafalka ah waxay ka howl gashaa guud ahaan dalka Philippines, iyadoo sameysa doomo loogu tala galay iskuullada ku yaalla jasiiradaha dhexdooda, kuwaasoo dhammaan la mariyay rinji jaalle ah oo la waafajinayo kan la mariyo basaska iskuullada. Doon yar ayuu qiimaheedu yahay qiyaastii $200 oo doolar, waxayna qaadeysaa 6 ilaa 8 carruur ah.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|