Abwaan Cabdiraxmaan Abees Oo Saaka La Horkeenay Maxkamadda Iyo Siciid Maxamuud Gahayr Oo Ka War Bixiyay Sidii Ay Wax Udhaceen! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Abwaan Cabdiraxmaan Abees Oo Saaka La Horkeenay Maxkamadda Iyo Siciid Maxamuud Gahayr Oo Ka War Bixiyay Sidii Ay Wax Udhaceen!
January 27, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA (W,N) Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo kamida hal Abuur reer Somaliland Oo dhawaan magaalada hargaysa kusoo bandhigay gabayo uu kaga hadlayo tacadiyada ka jira saldhigyada dalka iyo sida aanay bulshada reer Somaliland ugu wada qanacsanayn xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi balse uu ku mutaystay xadhig ayaa saaka la horkeenay maxkamada gobolka maroodi jeex.

 

Abwaan Cabdiraxmaan Abees ayaa mudo 16cisho ah Ku Xidhan jeelka way nee magaalada isla markaana aan wali la gudo galin dhagaysiga dacwadiisa ayaa saaka la keenay maxkamada iyadoo marlabaad  loo diray rumaan wallow  aan si cad loo sheegin sobobta eediisa loo korkeeni waayay maxkamada mudada intaa leeg.

Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr oo kamida dadka sida dhow  ula socday xadhiga Abwaan Abees ayaa ka waramay sidii ay wax udhaceen saaka iyo sobobta loo bilaabi waayay dhagaysiga dacwadiisa

Sidoo kale Siciid M. Gahayr ayaa ka faah faahin ka bixiyay damaanad ay dalbadeen garyaqaanada udoodaya oo loo diiday in laga Aqbalo.

Diidmadii Dammaanadda Abwaan Cabdiraxmaan Abees iyo Horkeenistii Maxkamadda Ee Saaka!…Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr.

Aroornimadii hore ee saaka ayaan u kacay si aan ugu kuurgalo una xaqiijiyo in Abwaan Cabdiraxmaan Abees la hor keenayo Maxkamadda Maroodijeex. Maadaama oo aanu hungawnay laba cisho oo hore, waxa aan wacay dembi-baadhihii ku qornaa dacwadda, waxaanu ii sheegay in xabsiga lagaga soo saari karo keliya amar ay maxkamaddu bixiso.

Maadaama oo aan amarkaasi la haynnin waxa aan u holladay inaan hakado. Haddana waxa isoo wacay Abwaanka caanka ah ee Xasan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax) oo ii

xaqiijiyay in Abwaan Cabdiraxmaan Abees la horkeenayo maxkamadda.

Degdeg ayaan u quraacday.. Qacdiina waxa aan u ambabaxay dhankii maxkamadda. Isla judhii ayaan dembi-baadhaha dacwadda oo Gaashaanle Cabdi Xasan Cismaan (Cabdi-Kiin) ah aan ku arkay afaafka xeer-ilaalinta. Waxa uu siday nuqulka warqad ay maxkamaddu ku amartay in la soo qaado Abwaan Cabdiraxmaan Abees. Daqiiqad iyo laba ayaannu kaftannay. Intii lagu maqnaa ayaan ka shaaheeyay maqaaxiyaha rugta u dhaw.

Cabbaar kaddib waxa aan gudaha maxkamadda Maroodijeex ugu galay Aabbo Ibraahin Aadan Cismaan (Abees), Maxamed Abees, Garyaqaan Guuleed Daafac, Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarje), Abwaaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax), Garyaqaan Sacad, ehel iyo Garyaqaanno kale. Waxa loo sheegay in aanu Abwaanku dammaanad lahayn.

Waxa na loo sheegay in uu tallaabadaas gebi ahaan ku gacan-saydhay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Prof Aadan Xaaji Cali Axmed oo hore loogu bandhigay in uu warqad dammaanad ah ku sii daayo Abwaan Cabdiraxmaan Abees. Diidmada dammaanadda waxa loo aanaynayaa in Abwaanka lagu eedaynayo qodobyo adag oo ku jira xeerka habka ciqaabta guud… Bishu horteenna ayay iman doontaa..

Intaas kaddib waxa aanu tagnay xafiiska Xeer ilaalinta, waxa na loo sheegay in boolisku soo gudbiyeen gungaadhka dacwaddiisa. Isla markaasna lagu qori doono xeer ilaaliye eedda ku ooga. Waxa aanu isla garannay in la dedejiyo bilawga dhegaysiga dacwadda. Xafiiska xeer-ilaalintu waxa ay noo ballan-qaadeen in ay dhankooda ka dedaali doonaan, isla markaana ay si dhakhso ah maxkamadda Gobolka Maroodijeex ugu gudbin doonaan gal-dacwadeedka.

Waxa abbaaro 10:00kii aroornimo maxkamadda soo galay gaadhi qufulan oo lagu sido Abwaan Cabdiraxmaan Abees. Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Maroodi jeex ayaa la geeyay waxa uu se u baxay aqoon-korodhsi loo qabtay bahda caddaaladda. Sidaa awgeed ayaa loogu xidhay qolka xabsiga ah ee Hoolka maxkamadda rafcaanka. Halkaas ayaanu in nusesaac ah kula wadaagnay bariido.

Haddii aanu jirin is-aqoon naga dhexeeya ciidanka boolisku, waxa adkaan lahayd in aanu weedh is-dhaafsanno Abwaan Cabdiraxmaan Abees. Waxa ka taxaddirayaan in qas iyo shoobaro madasha ka dhacaan. Waxa dhib ku ah in ay soo qaadaan maxbuus ay u socdaan dhawr qof. Iyaga ayaa abuura xaalad aan loo baahnayn “Abwaankii baa la keenay. Meeshiba dad ayay ciiraysaa. Xiisad ayaanu ku jirnaa” ayay qaar lahaayeen.

“Ka dhaqaaqa meesha, waddada banneeya. Durka” ayay qaar ku sannaadhayeen. Riixidda dadka shacabka ah waxa ka dhalan gaadhay gacan-ka-hadal dhex mara booliska iyo dadka u socda hal-abuurka. Dadka sidaas loo handadayaa kama badnayn 10 qof. Imaka waa salleelo.. Waxa dhegaysiga dacwadda ka soo qayb geli doona boqollaal iyo kumannaan inta Eebbe oggolaado..

Waxa dadka lagu jactadiyaa rumaanka: xadhig-xalaalaynta. Qof kasta oo Somaliland ku nooli waxa uu xaq u leeyahay in uu caddaalad helo, waana sababta aanu heeganka ugu nahay hawsha Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo dhibbane u ah cabbiraadda aragtida.

Maadaama oo uu maqnaa Garsoore Axmed Dalmar Ismaaciil Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodijeex, waxa Abwaan Cabdiraxmaan Abee dib loogu celiyay xabsigii weynaa ee Hargeysa.

Sidaa waxa hadalkiisii kusoo afmeeray siciid maxamuud gahayr oo ka warbixiyay keenistii abwaan cabdiraxmaan abees ee maxkamada saaka.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS