|
|||||
WAJAALE NEWS
Xuutiyiinta Oo Go’aan Ka Gaadhaya Wada-Hadallada Yemen
December 7, 2018 - Written by Wariye:
Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta ayaa sheegay inaysan wax dhibaato ah ku qabin inay wada-hadal la galaan dowladda, balse ay maanta go’aan ka gaarin doonaa in wada xajaoodka Stockholm uu yahay mid dhab ah iyo mid kale. Wada-hadalladan oo ay agaasintay QM ayaa khamiistii ka furmay magaalada Rombo oo waqooyi kaga beegan Stockholm. Ujeeddada wada-hadallada ayaa ah in lagu soo geba gebeeyo dagaalka afarta sano ka socda Yemen ee u dhaxeeya Xuutiyiinta oo Iran ay taageerto iyo dowladda dalkaas oo uu taageero isbaheysiga Sacuudiga uu hogaamiyo. Ergayga QM Martin Griffiths ayaa sheegay in horumar laga sameeyey maalinkii koowaad ee wada-hadallada, ayada oo labada dhinac ay isku raaceen inay maxaabiis is-weydaarsadaan. Related posts:DAAWO; Abwaan Qaamuus Oo Gabay Baroor Diiqa Ka Tiriyey Aaskii Marxuum Maxamed Miyir Oo Ka Baxay Bahd... “Ciidanka Milatarigu Shaqo Badan Oo Ciidanka Boolisku Leeyahay Ayay Bariga Ka Qabtaan”Taliye Dabagal... Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Ee Somaaliya Oo Maanta Xukuno Kala Duwan Ku Riday Dadkii Loo Hayst... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|