|
|||||
WAJAALE NEWS
Xisbiga Ucid oo Mooshin Xilka Lagaga Qaadayo Wasiirka Shaqo Gelinta U Gudbinaya Baarlamaanka Somaliland
December 30, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Guddoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaaridka ah ee Ucid Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni), ayaa shaaca ka qaaday in Baarlamaanka Somaliland ay u gudbin doonaan mooshin ay xilka lagaga qaadayo Wasiirka wasaarada Shaqo gelinta arrimaha Bulshada iyo Qoyska Hinda Jaamac Xirsi Gaani. Dhinaca kale Cabdinaasir Buuni ayaa ku eedeeyay Wasiirka wasaarada Shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Hinda Jaamac Xirsi Gaani, in ay caadaysatay aflagaadada hogaanka ugu sareeya Xisbiyada mucaaridka iyo Warbaahinta madaxa banaan, Isagoona hoosta ka xariiqay in masuuliyiinta ka tirsan Xukuumada Madaxweyne Biixi in aanay kuraasta ugu fadhiyi doonin inay af-lagaadeeyaan Xisbiyada iyo Warbaahinta.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|