|
|||||
WAJAALE NEWS
“Xeerka Shaqaalaha Dawlada, Xeerka Dorashoyinku Labaduba Agaasimaha, Jananka, Safiirka iyo Shaqaalaha Dawlada Ee A-da Ah Ee Waaweyn Wuu Ka Mamnuucay Inay Galaan Siyaasada”.Madaxweyne Biixi
December 25, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal dardaaran iyo hogo-tusaalayn isugu jira kulanka ka jeediyey tabobbar amma kulan hawleed lagu dardargelinayo hawlaha shaqo ee Hay’adaha dawladdu Qaranka u qabtaan, ayaa ugu horayn sharraxay kaalinta laxaadka leh ee ay agaasimayaasha guud kaga jiraan hawlaha dawladda iyo adeegyada shacabka loo qabto iyo sida ay furaha ugu yihiin shaqada fulineed ee xukuumaddu u xilsaaran tahay. Waxana uu Madaxweynuhu isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Dawladdu waa saddex dhardaraar labada kale midna wax buu xukumaa midna wax buu soo jeediyaa, laakiin fulinta waxa loo dhiibtay xukuumadda. Xukuumaddii markaa saddex uun baa wax fuliya, madaxweynaha, wasiirka iyo agaasimaha guud, laba way fikiraan oo qorshe ayey keenaan oo waa madaxweynaha iyo wasiirka. Fulintii uu Dastuurku dawladda saaray ee uu madaxweynaha iyo wasiirka saaray madaxweynihii iyo wasiirkii waxa ay heleen qorshayn iyo kormeer, fulintii Dastooriga ahayd waxa ay dul timi Agaasimaha guud, jananka ciidamada iyo kuwa la mid ka ah, markaa xilkaa ina saarani distooriyan sidaas ayaanu u yarayn, waxana aan jeclahay inaynnu dadka iyo waqtigaba aad u ilaalino.” Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu xubnaha Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha ku adkeeyey in xeerka dawladdu ka reebay agaasimayaasha guud inay siyaasadda ku lug yeeshaan, isla markaana adeegga wanaagsan ee bulshada loo qabanayo iyo in loo hagar baxo shaqada qaranku tahay hannaanka kaliya ee ay agaasimayaasha guud taageero ugu soo hoyn karaan dawladda ay ka tirsan yihiin, “Xeerka shaqaalaha dawladda, xeerka doorashooyinku labaduba agaasimaha guud, Jananka, Safiirka iyo shaqaalaha dawladda ee A-da ah ee Waaweyn wuu ka mamnuucay inay galaan siyaasadda, laakiin 20-kii sanno ee ugu dambeeyey waxa dhaqan noqotay inuu xagga siyaasadda dawladda uu ku jiro uu soo taageero. Haddii aynnu is weydiinno sida dawladda loo taageerayo waxa loo taageerayaa haddii dadweynaha shaqo wacan loo qabto kolba intii itaalkeenna ah, dawladdii waad taageertay,” ayuu yidhi madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi. Ugu dambayntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu agaasimayaasha guud ee wasaaradaha xukuumadda ku adkeeyey inay diyaar garoobaan sidii ay qaybtooda uga qaadan lahaayeen Barnaamijka shaqo qaran oo dhawaan si rasmi ah u bilaabmi doonaa, isla markaana ay aqoontooda iyo waayo-aragnimadoodaba kaga qaybgalaan barnaamijkaas qaran oo ay kumannaan dhallinyaro ahi aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda ku korodhsan doonaan.
Related posts:DAAWO;-Qaarkamid Ah Saraakiishii SNM Oo Ka Hadlay Taariikhda Jabhadii Afraad Ee Bud dhiga U Ahayd H... DAAWO; fanaanada Yurub Geenyo iyo Hees Cusub Oo Xanbaarsan Qiso Dhaba (Jacayl Udugii Is Gaadhay). DAAWO; Xildhibaan Xasan Cawaale Oo Cadaalad Daro Ku Tilmaamay Xukunkii Dilka ahaa Ee Lagu Riday 8 Ni... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|