Wiil uu dhalay Ra’iisal wasaaraha Israa’iil oo Facebook-ga laga xannibay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wiil uu dhalay Ra’iisal wasaaraha Israa’iil oo Facebook-ga laga xannibay
December 17, 2018 - Written by Reporter:

Wiil uu dhalay Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in shirkadda Facebook ay muddo 24 saacadood ah ka xannibtay ciwaankiisa uu ku leeyahay bartaasi ay bulshada ku xidhiidho.

Go’aankaasi ayuu sheegay in Facebook ay qaadatay ka dib markii uu soo daabacay mowduucyo dhowrah oo ka dhan ah dadka Falastiiniyiinta ah iyo Muslimiinta. Wiigii la soo dhaafay ayey Facebook bixisay qoraal uu soo dhigay Yair Netanyahu, kaasoo uu”aargoosi ugu tilmaamay” dhimashada 2 falastiiniyiin oo ay daanta galbeed Khamiistii ku dileen askarta Israa’iil.

Waxaa sidoo kale la bixiyay qoraal kale oo wiilkaas 27 jirka ah uu ku sheegay in uu jeclaan lahaain “dhammaan dadka muslimiinta ah ay isaga baxaan dhulka Israa’iil”.

Isagu wuxuu Facebookku tilmaamay “Booliska la dagaallama fikradaha”. Balse shirkadda ayaa dhankeeda ku eedeysay inuu sameeyay qoraal nacayb abuuraya.

Mr Netanyahu ayaa sannadkii la soo dhaafay soo jiitay cambaarayn fara badan ka dib markii uu baraha xidhiidhka bulshada soo dhigay qoraallo uu ku naqdinayo qaar ka mid ah dadka dhaleeceeya aabihii, oo uu ka mid yahay maal qabeenka lagu magacaabo George Soros.

Golaha la tacaala meel ka dhacyada loo geysto dadka ayaa arrintaas ku tilmaamay mid xad gudub ah.

Waxa uu mar cadho kala kulmay dadweynaha, maadaama la soo tabiyay in uu qaadi waayay saxarada eygiisaoo ku saxarooday meel aan loogu tala galin.

Maalintii Axada ahayd, Mr Netanyahu ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray hadallo uu ku muujinayaysida uu uga cadhooday tallaabadii ay Facebook muddo 24 saacadood ah uga xannibtay ciwaankiisa, taasoo uu ku tilmaamay “mid aan la rumeysan karin”.

Dhanka kale, bartiisa Facebook ayuu ku qoray sidan “Booliska la dagaallama fikradaha ee xagjiriinta ah ee ku sugan Facebook anigana way isoo gaadheen”.

“Xamaas, Xisbullah iyo xukuumadda Iiraan waxay dhammaantood bogag rasmi ah ku leeyihiin Facebook. Waxaa sidoo kale jira qoraallo la soo dhigo Facebook oo ku baaqa burburinta Israa’iil iyo dilka dadka Yuhuudda ah. Waxaa jira kumannaan qoraaloo aniga iyo qoyskeygaba nalagu weeraray, waxaana ka mid ah kuwo hanjabaad ah iyo dilal naloogu gooddinayo”.

“Dhammaan waxyaabahan qalalaase kama aha Facebook dhankeeda”.

Af hayeen u hadlay shirkadda Facebook ayaa ayaa sheegay in Mr Netanyahu “uu soo daabacay hadallo nacayb abuuraya” oo ka soo hor jeeda xeerarkooda.

“Sidaas awgeed, qoraalkaas waa laga bixiyay barteenna waxaana sidaas ku sameyneynaa qoraalkasta oo noocaas ah” ayuu yidhi.

Af hayeenka ayaa intaas ku daray in Facebook ay sii wadi doonto dhaqan galinta sharciyadeeda.

COMMENTS
LINKS