|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo Isku Casilay Xiisada Ka Taagan Koonfur Galbeed
December 16, 2018 - Written by Reporter:Muqdisho (WJN)- Wasiirkii howlaha Guud, dib u dhiska iyo Guryaynta dowladda Soomaaliya Cabdifitaax Maxamed Ibraahi Geeseey ayaa maanta sheegay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda Soomaaliya. Wuxuu sheegay in sababta uu isaga casilay xilkii ka hayay Xukuumadda tahay kaddib markii uu sida uu hadalka u dhigay u dulqaadan waayayfara-galinta cabudhin sida uu sheegay dowladda Soomaaliya ay ku heyso shacabkaiyo bulshada ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya. ”Sababta aan isku casilay waxaa ay tahay ma jirin meel dowladda aan aniga ka tirsannahay ay ku go’aan qaadatayin la afaduubo lana cabudhiyo doorashada Koonfur Galbeed, ma jirin meel lagu go’aansaday in si qasab ah oo waliba afduub ah loo soo xidho muwaadin Mukhtaar Rooboow, loogana reebo doorashada, ma jirin meel lagu go’aansaday in aan lala tashan Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka deegaannadaas ka soo jeeda, iyadoo ay jirto in la hareer marayo dhamaan wixii shuruuc ah oo u yaalay dalka, sidaa daraadeed waxaan go’aansaday in aan markhaati ka sii ahaanin arimahan oo dhan” ayuu yidhi Wasiirku. Wuxuu noqonayaa wasiirkii ugu horeeyay ee xukuumadda Farmaajo uga taga wax uu ku tilmaamay fara-galin dowladda Soomaaliya ay ku heyso doorashada maamulka Koonfur Galbeed iyo xadhiga Mukhtaar Rooboow. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|