Wasaaradda Shaqo-gelinta Somaliland oo Tabobbar U Furtay Suxufiyiin iyo Garyaqaanno | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaaradda Shaqo-gelinta Somaliland oo Tabobbar U Furtay Suxufiyiin iyo Garyaqaanno
December 15, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), ayaa furay Kulan Aqoon-is-weydaarsi ah oo ay ka qaybgaleen labaatan Suxufi oo qaybaha Warbaahinta kala duwan ee Somaliland ka socday iyo illaa tobaneeyo Garyaqaanno Madax-bannaan iyo kuwo Wasaaradaha dawladda ka socday.

Kulankan oo socon doona muddo laba cisho ah, ayey iska kaashadeen Ururka Marwo iyo Wasaaradda Shaqo-gelinta, arrimaha Bulshada iyo Qoyska, ayaa ka furmay Huteel Guuleed ee magaalada Hargeysa, waxaana lagu falanqayn doonaa sida ay Warbaahintu uga qayb-qaadan karto Faafinta Shuruucda iyo Siyaasadaha arrimaha kala duwan ee Bulshada ee ay Wasaaraddaasi ka shaqayso ku saabsan iyo sidii loo heli lahaa isku xidh la xidhiidha ka wada shaqaynta Shuruucda iyo arrimaha la xidhiidha.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

COMMENTS
LINKS