|
|||||
WAJAALE NEWS
War-murtiyeed Laga Soo Saarey Kulankii Farmaajo iyo Afawrki
December 14, 2018 - Written by Reporter:Muqdisho (WJN)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Ereteriya Isaias Afwerki oo kulamo wadatashi ah yeeshay ayaa ku heshiiyey in la xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal. Labada Madaxweyne ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la ballaadhiyo iskaashiga ku aaddan arrimaha ganacsiga, maalgashiga iyo xidhiidhka tooska ah ee labada shacab ee Soomaaliya iyo Ereteriya. Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa dalka Ereteriya Isaias Afwerki booqashadan taariikhiga ah ee uu ku yimid Soomaaliya iyo sida wanaagsan ee uu u ajiibay martiqaadkii rasmiga ahaa ee uu u fidiyey. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in booqashadan ay ka tarjumayso dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xaqiijinta iskaashi heer gobol ah oo lagaga gudbayo dhibaatooyinka nabad la’aanta, argagixisada, saboolnimada iyo xaalufka deegaanka ee uu wajahayo Gobolka Geeska Afrika. Dhankiisa, Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Soomaaliya soo dhaweynta diirran ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna adkeeyey muhiimadda uu leeyahay xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah. Madaxweyne Isaias ayaa bogaadiyey, soona dhaweyey dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu dhisayo, laguna tayeynayo hay’ado amni, kuwaas oo awood u leh in ay dammaanad qaadaan nabadda iyo amniga ay dadka Soomaaliya istaahilaan. Labada Madaxweyne ayaa ku heshiiyey in ay sii wadaan abuuridda iskaashi xooggan oo dan u ah labada waddan iyo guud ahaan gobolka. Related posts:Amb Baashe Cawil Oo Iska Casilay Xilkii Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Arimaha Dibada Ee Uu Madaxwaynah... Masuuliyiin Xukuumada Ka Socday Oo Xadhiga Ka Jaray Xarun Caafimaad Oo Gala Hirgaliyay Degmada Dacar... DAAWO:Gudoomiye Cirro & Faysal C,.Waraabe oo ay kulmisey soo Dhaweynta Wasiir Hore Qorshayta Cali Sa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|