|
|||||
WAJAALE NEWS
Wadahadalada Yemen Iyo Xuutiyiinta oo La Filayo In Ay Maanta Soo Gabo-gabobaan
December 13, 2018 - Written by Wariye:Hargeisa(WJN):-Wahadaladii Yemen uga socday dalka Sweden ayaa lagu wadaa in Khamiista maanta ah la soo gabagabeeyo. Dhexdhexaadiyeyaasha QM ayaa rajeynaya in horumar laga sameeyo arrimo dhowr ah. Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres ayaa ka qeyb galaya wadahadalada maanta ee magaalada Stockholm si uu labada dhinac ugu dhiiri galiyo in ay meeshii la gaaray horay looga sii socdo. Dawladda Yemen ee Sucuudigu taageero iyo kooxda Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto ayaa durbaba ku heshiiyey inay maxaabiista isweydaarsadaan. Warbixinada shirka laga helayo ayaa sheegaya in labada dhinac ay aad ugu dhow yihiin inay ku heshiiyaan in la furo gegida dayuuradaha ee magaalada Sanca, isla markaana la bilaabo dhoofinta saliidda iyo gaaska si dalkaasi uu u helo lacagaha caddaanka ee uu aadka ugu baahan yahay. Hargeisa Office Related posts:DAAWO; Soo Dhawaynta Fanaanka Nuur Daalacay oo Soo Gaadhay Magaalada Kassel ee Dalka Germany kana Qa... Daawo Sawirada:C/raxman Ciro Iyo Siciid Cilmi Rooble Oo Isugu Yimid Kulan ay Isku Laabxaadhanayeen “Qolyaha Dawladda Somalia Ee Nabar Iyo Naxdin Waxa Aan Leeyahay Beenta Aad Shacabka Ku Shubaysaan Is... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|