Waari Mayside War Ha Kaa Hadho!Orodyahan Mo Farah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waari Mayside War Ha Kaa Hadho!Orodyahan Mo Farah.
December 26, 2018 - Written by Editor:

Magiciisa Oo Saddexan Waa Maxamed Mukhtaar Jaamac Faarax “Mo Farah” Waxaa Uu ku Dhashay Magaallada Muqdisho, Sanadku Markuu Ahaa 23-kii March 1983-kii, Dhererkiisu Waa 1.75m, halka culeyskiisuna yahay 58 kg, waxa Uu ku Tartamaa Orodada 1500m, 3,000m, 5,000m iyo 10,000m.

Waxa Uu ku Ordaa magaca Naadiga “Newham and Essex Beagles Oregon Track Club”, isagoo sanadkii 2011-diina u guuray Gobolka Portland ee dalka Mareykanka si uu u sii hor mariyo Ciyaarihiisa Orodka.

Farah oo jebiyay Records caalami ah oo Yurub iyo Adduubkaba ah waxa uu haystaa oo cidi ugu tagi weysay Horyaalnimada Yurub ee Orodka 10,000m, Record-ka Ingiriiska ee Orodka 10,000m, Record-ka Ingiriiska Orodka 3,000m, Record-ka UK ee Orodka 5,000m iyo Half Marathon-ka Ingiriiska.

Marka ay timaaddo Yurubna waxa uu heystaa record-ka Orodka 5,000m ee Europe iyo record-ka 10,000m ee Yurub oo uu ku guuleystay bishii January 2010-kii, taasoo uu ku noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Ingiriis ah ee abid ku guuleysta Billadda Dahabka ah ee Orodada 10,000m ee Yurub, isagoo sidoo kalena ah ciyaaryahanka kaliya ee Ingiriis ah ee Abid ku guuleysta Orodka 5,000m, halka sidoo kalena xalay uu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyey ee Ingiriis ah ee Abid ku guuleysta Billadda Dahabka ee Olombikada markii uu qaaday Orodkii 10,000m ee xalay 04/08/2012 ee Olombikada London.

Noloshiisii hore iyo Waxbarashadiisa:

Mohamed Farah waxa uu ku dhashay sida ku qoran diiwaanka taariikhdiisa magaallada Muqdisho Somalia, 23-kii March, 1983-kii, markii ay dheceen dagaalladii sokeeye ee Aafeeyey dalka Soomaaliya waxa uu u guuray dalka Djibouti, waxaana kaddibna u sii gudbay waddanka Ingiriiska isagoo 8-jir ah.

Waxa uu waqtigaasi ku hadlayay erayo yar oo Ingiriis ah, Aabihiis waxa uu ku dhashay Ingiriiska, isagoo ku soo koray Hounslow oo ah hareeraha magaallada London, waxaana waalidiinta Mo Farah ay kulmeen waqti Aabihii uu fasax u tagay Soomaaliya.

Dhinaca Waxbarashadiisana waxa uu ku soo qaatay “Feltham Community College” ee ku yaalla magaallada London, waxaana xirfaddiisa ku aaddan dhinaca Orodka Daah furay macallinkiisii dhinaca Isboortiga Alan Watkinson xilligii uu dhiganayay (Isleworth and Syon School), kaasoo markii dambe yiri “Markii ugu horreysay ee aan kulanay waxa uu la halgamayay College-ka, gaar ahaan waxa uu yara ku liitay dhinaca Luqadda, wuxuu u baahnaa in lagu dadaalo, anigana waxaan ku qaaday garbahayga, waxa uu aad u xiiseyn jiray Kubadda Cagta, waayo marka uu garoonka ciyaarayo aad ayuu u dheereyn jiray, taasoo aan ka gartay xirfaddiisa dhabta ah”.

Mo Farah oo Sheegay inuu taageero fanaanka BK

Macallinkiisii hore waxa uu sheegay in Farah Hammigiisu wuxuu ahaa in uu mar uun Garabka Midig uga ciyaaro kooxda Arsenal, taasoo uu ku dhiirri geliyay isagoo u ogolaaday in uu in uu 30-daqiiqo ciyaaro ciyaarta Kubadda cagta waqtiga uu tababarka qaadanayo.

1996-kii, “Mo” isagoo 13-jir ah waxa uu ka qayb galay tartankii Orodada Dugsiyada Ingiriiska (English Schools cross country) waxaana uu galay kaalinta 9-aad, isagoo sanadkii xigay ee 1997-kiina ku guuleystay kaalinta 1-aad ee tartankii Orodka Dugsiyada Ingiriiska.

Billaddiisii weyneyd ee ugu horreysay waxa uu Farah ku guuleystay Orodkii 5,000m Horyaalkii Orodada da’yarta Yurub (European Athletics Junior Championship) 2001-dii, waxaana isla sanadkaasi uu tababar ka bilaabay (St Mary’s University College ee Twickenham) isagoo sanadkaasina noqday mid ka mid ah labada Orodyahan ee ugu wanaagsan Dugsigaasi isagoo khibrado badanna ka soo faa’iiday ka hor intii uusan si toos ah u noqon orodyahan buuxa.

Sanadkii 2005-tii Mo Farah waxa uu sameeyay howl wanaagsan isagoo tababar la qaatay Orodyahanno caan ah oo ay ka mid yihiin Craig Mottram oo u dhashay Australia iyo koox Orodyahanno Kenyan ah oo uu ku jiray orodyahankii hore ee Kenya ee ku guuleystay orodka 10,000m ee dunida Micah Kogo, iyagoo meel qura ku wada seexan jiray, ku cunteyn jiray, tababarna ku qaadan jiray, taasoo cashirro dheeraad ah uu ka faa’iiday Farah oo si weyn u dadaalayay.

2006-dii Mohamed Farah waxa uu ku orday 13-daqiiqo 9.40-Ilbiriqsi orodkii 5,000m, waxaana uu noqday ciyaaryahankii labaad ee ugu orodka badnaa Ingiriiska ee ku xigsada Dave Moorcroft isagoo bil kaddibna kaalinta labaad ka galay Horyaalkii Orodka Yurub ee 5,000m ee ka dhacay Gothenburg.

Qofina dhiirri gelin la’aan horey uma socdee, waxaa macallimiinta kala ah Alan Storey, Mark Rowland iyo Paula Radcliffe ay niyadda u dhiseen Farah oo weli xusuusta hadalladii ay ku tiri Paula ee ahaa “Horey u soco oo geessi noqo, naftaadana ku kalsoonaaw” waxaana Bishii December 2006-dii Mo Farah uu ku guuleystay Horyaalkii Orodka Qaaradda Yurub ee ka dhacay Talyaaniga, isagoohelay billad dahab ah.

Hadaba Orodyahankan oo heshiis kula jita shirkadaha kala ah Virgin Media iyo Nike ayaa waxa lagu qiyaasay lacagtiisa u taala bangiyada inay dhan tahay 5 million Dollar sida ku cad shabakada ka faalootaa hantida dadka caanka ah ee Celebrity Net Worth

Warbixtan waxa Qoray Hawraar.net 2015

QALINKII; Muhamed Dhimbii

COMMENTS
LINKS