Taliye kuxigeenkii Jabhada Col Caare Oo Isku Soo Dhiibay Somaliland Iyo Tirada Ciidanka & Gaadiidka Uu Wato. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliye kuxigeenkii Jabhada Col Caare Oo Isku Soo Dhiibay Somaliland Iyo Tirada Ciidanka & Gaadiidka Uu Wato.
December 21, 2018 - Written by Editor:

Ceerigaabo(W,N) Taliye Kuxigeenkii Jabhada Col Caare Ayaa Soo Gaadhay Gobolka Sanaag Magaalada Ceerigaabo isagoo isku dhiibay Ciidanka Somaliland oo uu Hore uga goostay Kaasi Oo wata Ciidan Iyo Gadiidba.

Col jamaal Baaxo  iyo kooxda uu watay ayaa soo gaadhay magaalada ceerigaabo ee gobolka sanaag.

Wararka aanu ka helay ayaa intaa ku daray  in jamaal baaxo oo ahaa kuxigeenkii jabhada Col Caare uu iskuu dhiibay ciidanka somailand kadib markii ay maalmihii udanbaysay ay usocdeen wadahadlo ay xidhiidhkooda wadeen xubno kamida madax dhaqameedka ay isku beesha yihiin.

Ciidanka kasoo goostay col caare ayaa waxay wateen shan gaadhi iyo tiro ciidamo ah kuwaasi oo uu weheliya caaqil hore jabhada caare u raacay

Jamaal baaxo iyo ciidanka iyo caaqilka weheliyay ayaa ceergaabo usoo dhaafay dhinaca magaalada burco oo ay kusoo jeedaan.

Xukuumada Somaliland iyo maamulka gobolka sanaag ayaa wali wax wara kasoo saarin arintan.

Wixii faah faahin ee kasoo kordha kala soco wararkeena danbe wajaalenews.net

Wajaalenews desk

Hargaysa office

COMMENTS
LINKS