“Suurtagal Ma Noqonayso In La Galo Doorasho Aan Lagu Salayn Saami-Qaybsi”.Suldaan Dhawal | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Suurtagal Ma Noqonayso In La Galo Doorasho Aan Lagu Salayn Saami-Qaybsi”.Suldaan Dhawal
December 8, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)-Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, oo ka mid ah Salaadiinta iyo Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa ka hadlay tabashada saami-qaybsiga kuraasta Wakiilada, ee aan ilaa hadda xal laga gaadhin, waxaanu sheegay in saamiqaybsi oo la sameeyo uu ahaa go’aan Maxkamaddeed, isla markaana ay daruuri tahay in la sameeyo.

Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale soo jeediyey in khilaaf kasta oo jira lagu xaliyo wanaag,waxaanu ugu horeyn ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya saami-qaybsiga “In Saami-qaybsi sax ah la sameeyo, wuxuu ahaa  go’aan Maxkamadda Dastuurigu go’aamisay, in la jabiyaana waa qayrul sharci, waxaana haboon in la sameeyo saami-qaybsi sax ah, oo lagu wada qanacsan yahay, waxaana haboon in go’aanka Maxkamadda la raaco, oo la tixgeliyo go’aanka ay Maxkamaddu jieedaysay, suurtagalna ma noqonayso in la galo Doorasho aan lagu saleeyan saami-qaybsi”.

Suldaan Dhawal mar uu ka hadlaayey Xisbiyada iyo Komishanka ayaa yidhi “Wixii la isku hayo waa in meel la isla dhigaa, oo la isla xaliyaa, haddii ay noqoto Xisbiyada iyo haddii ay noqoto Komishankaba, laakiin ma haboona in muranku soo af jarimi waayo, waana in mar walba wanaaga iyo nabadgalyada umadda loo tudha, oo dantooda la eega, wax walbana laga horumiyaa, waana in nabadgalyada la wada ilaaliya”.

 

Source: Geeska

COMMENTS
LINKS