|
|||||
WAJAALE NEWS
Somaliland: Wadahadalka Somaliland Iyo Soomaaliya
December 18, 2018 - Written by Reporter:Waxaa beryahan dambe socday dhaqdhaqaayo faro badan oo asxaabta caalamigu ku raadinayaan sidii Somaliland iyo xukuumadda laga dhisay Muqdisho, in la is horkeeno, si uu wadahadal u dhexmaro. Marka ugu horeysa, Waxaa wadahadli kara laba dawladeed oo shacabkooda soo doorteen. Markaa Madaxweyne Muuse Biixi waa la soo doortay, ée shacabka doortay Farmaajo waa kuwee?. Mida labaad, maxaa lagala hadlaa siyaasiyiinta maanta Xamar ka taliya, waa kuwii la iska xorreeyey oo aan biyo is marin. Waa dad aad cidna waxba u ogaleyn, oo aad moodid in xaq loo siiyey xukunka dadka. Ma dadka is hortaagay horumarka dhaqaalaha dadka iyo dalka Somaliland baa lala xaajoonkaraa? Horumarinta dekedda Berbera waxay keeni doonta shaqo abuur dheef u keenaya dhamaan dadka deggan Geeska Afrika. Lakiin, waad ogeydeen wixii ka yeedhayey siyaasiintaa Xamar fadhiyey. Dadbaa yidhaahda, ha la kala saaro siyaasada iyo xidhiidhka caadiga ah. Saxiibayaal, Somaliland wixii quseeya waa siyaasad. Wixii shalay kugu dhacay haddaanad cashar ka qaadan, berrito kugu dhac, saa’dambe kugu dhac,.. Hadaba maxaa talo ah? Waa mid aan la dafiri karin, Somaliland iyo Soomaaliya waa laba dal oo daris ah. Waxaa weligood ka dhaxeyn doona xidhiidh ganacsi, bulsho iyo dhaqan, lakiin, xidhiidh siyaasideed kama dhaxeyn karo. Waa tii 1960kii la isku dayey, wixii laga dheefayna waa la wada ogsoonyahay. Shaqsiga caashaqsan Xamar, ee is leh waxbaa ku yaal ama waa lagu doonayaa, waxaan leeyahay, orod oo iska xaadiri, markaad ka soo carartid baynu is wareysan. Boqolaal baa tagay oo ku soo hungoobay, qaarna, Eebe ha u naxariistee, may soo noqon. Somaliland iyo Soomaaliya waxay ka wada hadli karaan xidhiidhkooda mustaqbalka ee quseeya ganacsiga, bulshada iyo dhaqanka, lakiin dhanka siyaasada, waxba iskuma keen hadhin aan ahayn xisaab xidhkii. Allaa Mahad Leh Axmed Kheyre COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|