“Somaliland Aqoonyahankeedu Sidii Iyo Halkii Ay Uga Doodi Karaanba Waa Sax Inay Uga Doodaan Dalkooda”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Somaliland Aqoonyahankeedu Sidii Iyo Halkii Ay Uga Doodi Karaanba Waa Sax Inay Uga Doodaan Dalkooda”Cali Guray.
December 19, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Caliguray) oo kamida masuuliyiinta xisbi xakimka kulmiye ayaa soo dhaweeyay doodii dalka jabuuti ka dhacday ee ku saabsanayd arimaha somaliland iyo somaliya taasi oo aqoonyahan reer somlailand ka socday ka qaybgaleen kana dhiibteen dood u dhisan aqoon iyo waayoaragnimo siyaasadeed

Siyaasi Cali Guray ayaa qoraal kooban oo uu arimaahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga Wuxuna udhignaa Sidan;

“Inta badan madal ay goobjeeg yihiin reer Somaliya madaxda Somaliland weligoodba may jeclaan jirin weliba aan idhaahdo may ogolaan jirin in cid Somaliland ahi ay ka qaybgasho laakiin qalad baan anigu weligayba u arki jiray. Kulamadan wadahadalada Somaliland iyo Somaliya la yidhaa ee wasiiradu ka qaybgalaan waxa ka midho dhalsan xaga Somaliland kulamada noocan oo kale ah ee muwadiniintu gartooda naqsan kara oo Somalilanders ahi ay kula doodayaan kuwa Somaliya ka soo jeeda. Doodda waxa diida laba. Nin gardaran oo og inuu gardaran yahay oo laga gar helayo iyo nin gar leh oo og in aanu gartiisa naqsan karayn sida kuwo ka mid ah madaxda Somaliland oon xogogaal ahayn agnaano laga aftahamo badan yahayna ah oo kabaha lala dulnarayo oo nin ka gardarani ka gar helayo.Madaxda Somalilandna kuwaasay u badan yihiin markaa Somaliland aqoonyahankeedu sidii iyo halkii ay uga doodi karaanba waa sax inay uga doodaan dadkooda.

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF CAI GURAY.

COMMENTS
LINKS